Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19768

Madaxweyne Xasan SH:Amniga walaalaha Turkiga waa inaan lagu halayn dowladda iyo ciidamada oo kaliya ,shacabku kaalin haka qaato

$
0
0

madaxweyne-turkiMuqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney qayb ka qaataan sugidda amniga shaqaalaha turkiga ee dalka ka wada Mashaariicda kala duwan kuwaas oo bartilmaameed u ah alshabaab oo dhawaan weerar ku qaaday kuna hanjabay iney weeraro horleh ku qaadi doonaan.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan SH Maxamuud oo shalay galinkii danbe booqasho ku tagay goobtii uu Dorraad ka dhacay qaraxa Ismiidaaminta ah ee lala eegtay shaqaalaha Turkiga ayaa ka dhawaajiyey in ilaalinta walaalaha Turkiga ee caawinaya Soomaaliya aysan masuuliyad ka saarneen dowladda iyo ciidankeeda oo kale balse shacabkane laga doonayo iney kaalintooda ka qaataan difaaca iyo ilaalinta shaqaalaha reer Turki.

“Shacabku yeysan dowladda iyo ciidamada kaliya ku halayn sugidda amniga dadkaas aan walaalaha nahay,qof walba oo Soomaali ahow ishaada iyo dhegtaadu ha koreyso,annaga ayey inoo adeegayaan waa inaan ammaankooda ka shaqayno,iney cararaan oo dalka ka tagaan ayna istaago hawsha ay inoo hayaan waa hadafka ay leeyihiin nimankan argagixisada ah”ayuu yiri madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan SH Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa ku dheeraaday taageerada ay Turkigu u fidiyeen shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna shacabka iyo dowladda dalkaas uga tacsiyeeyey dhibaatada Muqdisho lagu gaarsiiyey Samafalayaasha rer Turki ee qaraxa  khasaaraha geystay lagu bartilmaameedsaday.

Dhanka kale Safiirka dowladda Turkigaa u fadhiya dalka Soomaaliya Kamaaludiin Torum oo isne goobta ka hadlay ayaa sheegay in dalkiisu uusan marna hakin doonin mashaariicda faraha badan ee uu xiligan dalka ka wado.

Alshabaab oo sheegtay weerarkii Muqdisho ka dhacay ee lagu dilay qaar kamid ah saraakiisha amniga Qunsuliyadda Turkiga ee magaalada Muqdisho ayaa ku goodiyey in hadii uusan Turkigu ka bixin dalka Soomaaliya ay la beegsan doonaan weeraro ka dhan ah.

 

 

RBC Radio

Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19768

Trending Articles