Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19827

R/wasaare Saacid iyo qaar katirsan golihiisa wasiirada oo maanta kormeer ku tagay xaruntii shalay lagu weeraray shaqaalaha Turkiga

$
0
0

saacid shiirdoonMuqdisho(RBC Radio) R/wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid oo ay wehlinayaan qaar kamid ah golihiisa wasiirada,xildhibaano iyo saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta barqadii kormeer ku tagay xaruntii shalay lagu weeraray shaqaalaha Safaaradda dowladda Turkiga ee magaalada Muqdisho.

R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid oo Saxaafadda kula hadlay goobtii uu shalay ka dhacay weerarka lala eegtay shaqaalaha Turkiga ayaa ugu horeyntii Cambaareeyey falkaas,wuxuuna tilmaamay iney xaaraan tahay in la gumaado dad Muslimiin ah oo usoo gurmaday caawinta walaalahooda Soomaaliyeed xilli lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Wasiirka  Koowaad ee xukuumadda federaaliga ah ee Soomaaliya ayaa ku tilmaamay dadkii ka danbeeyey weerarkaas  iney yihiin dad aan dooneyn iney Soomaaliya kasoo kabato dhibaatada ay ku jirto isla markaane ay hanato dowladnimadeeda.

Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa tilmaamay inuu ku faraxsan yahay sida ay laamaha amniga u fashiliyeen weeraro kale oo la damacsanaa in magaalada laga fuliyo kuwaas oo ay ka hortageen laamaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya sida uu sheegay.

R/wasaaraha dowladda Soomaaliya ayaa kulan la qaatay safiirka Turkiga ee Soomaaliya inta uu ku guda jiray booqashada uu ku tagay goobtii shalay lagu weeraray shaqaalaha dowladda Turkiga,wuxuuna sheegay iney safiirka isku raaceen iney halkooda kasii socdaan iskaashiga labada dal iyo Kaalmada uu Turkigu siinayo Soomaaliya,weerarada nuucaasine aysan waxba u dhimi doonin sidoo kalane aysan hakin doonin Mashaariicda turkigu uu dalka ka wado.

Safiirka dolwadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya oo isne saxaafada la hadlay ayaa sheegay iney sii wadayaan taageerada ay siinayaan walaalahooda Soomaaliyeed”waan sii wadaynaa caawinta walaalaha Soomaaliyeed,waxaan usoo gurmanay walaalaha Soomaaliyeed falkani ma hakin doono Mashaariicdii aan dalka ka wadnay”ayuu yiri safiirka wadanka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya.

 

 

RBC Radio

Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19827

Trending Articles