Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan SH Maxamuud ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray waxa uu si kulul ugu cambaareeyey weerarkii shalay galinkii danbe lagu qaaday xarunta shaqaalaha Turkigu ay ku leeyihiin magaalada Muqdishi ee caasimadda Soomaaliya kaasoo geystay khasaaro dhimasho dhaawac iyo burburba leh.
Madaxweynaha ayaa yiri” qaraxani waa ficil muujinaya fulaynimada iyo quusta argagixisada kuwaas oo aan waxba u dhimo doonin nabadgalyada iyo xasiloonida dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in qaraxa lala eegtay shaqaalo kasoo jeeda dal ay Soomaaliya ku tiirsan tahay ayna ka go’an tahay garab istaagidda dadka Soomaaliyeed oo uu ula jeedo dowladda Turkiga.
“Waxaan si naxariis leh Alle uga baryaa inuu caafimaad deg deg ah siiyo dadka ku dhaawacmay qaraxaas,waxaan sidoo kale tacsi u dirayaa qoysaska ay eheladoodu ku nafwaayeen”ayuu yiri madaxweyne Xasan Sh Maxamuud.
” Mawaadiniin badan oo Turki ah ayaa Soomaaliya u yimid sidii ay u caawin lahaayeen shacabka Soomaaliyeed,waxayna na tuseen sida ay uga go’an tahay taageeradooda iyo hogaamintooda wanaagsan,dadka Soomaaliyeed abaal weyn ayey uga hayaan dadaalkooda aan kala joogsiga lahayn ee 2dii sano ee lasoo dhaafay ay dalka ka wadeen”ayuu hadalkiisa kusii daray madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa markale yiri”Waxaan Cambaareynayaa ficilkan danbi ee argagixisanimada ah,dowladeyda iyo ciidamada amnigu waxay samayn doonaan wax walba si ay usoo qabtaan kuwii soo qorsheeyey iskuna soo dubariday weerarkan”
“Waa inaan u midownaa ka hortagga kuwa doonaya oiney qaranka burburiyaan,iyada oo ay ina geesinima galineyso taageerada Saaxiibadeen,waana inaan laba jibaarnaa dadaaladeena aan ku dooneyno inaan Soomaaliya nabad ugu soo celino”ayuu kusoo gabagabeeyey warsaxaafadeedkiisa madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan SH.
RBC Radio
Muqdisho