Marka(RBC Radio) Wararka naga soo gaaray magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose ayaa kusoo waramaya in maanta qarax Miino halkaa lagula eegtay Kolonyo ay wateen ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM,qaraxa oo ahaa Miinada dhulka lagu aaso ee laga hago meelaha fog fog ayaa lasoo sheegayaa inuu qabsaday gaari Booyad ah oo ay wateen ciidanka Burundi ee Qaybta ka ah hawlgalka AMISOM.
Goobta uu qaraxu ka dhacay oo ah Xaafadda Buulo-Jaan ee magaalada Marka gaar ahaan dhabarka danbe ee Dugsi Sare ayaa dadka ku sugan waxa ay ku warameen in gabi ahaanba uu qaraxa ku basbeelay gaarigii ciidanka AMISOM ee la qarxiyey,waxaana ay goobjoogayaashu sheegayaan in ciidanka AMISOM uu gaaray khasaaro lixaad leh.
Ciidamada ayaa markii ay Miinadu ku qaraxday Kolonyada gaadiidka ay wateen waxa ay dhan walba u fureen rasaas xoogan oo aan loo meeldayin,gudoomiyaha magaalada Marka ee dowladda Soomaaliya Maxamed Cismaan Yariisow oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in weerar Miino lala eegtay gaari ay leeyihiin Ciidanka AMISOM.
Balse gudoomiyaha magaalada Marka ayaa beeniyey wararka sheegaya in khasaaro fara badan uu soo gaaray ciidanka AMISOM,wuxuuna tilmaamay in gaariga uu gaaray burbur aan sidaas u badneen sila markaane uu dhaawac fudud soo gaaray darawalkii waday gaariga ay Miinadu haleeshay sida uu hadalka u dhigay.
Wararka xiligan naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in magaalada uu ka socdo baaritaan xooggan oo ay samaynayaan boqolaal Askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika kuwaas oo magaalada ka baadi goobaya dadkii ka danbeeyey qaraxa Miino ee lagula eegtay Xaafadda Buulo-Jaan ee magaaladaasi Marka.
RBC Radio