Hargeysa(RBC Radio) Maamulka Soomaaliland ayaa qaadacay ka qaybgalka shirka bisha soo socota ee September ka furmaya magaalada Brussles ee xarunta Midowga Yurub kaasoo looga hadlayo dib u dhiska dalka Soomaaliya,wasiirka arimaha dibadda maamulka Soomaaliland Maxamed Biixi Yoonis oo hadal ka jeedinayey munaasabad uu kula wareegeyey xilka wasaaradda arimaha dibadda ayaa si cad u sheegay ineysan ka qayb galeen shirka Brussles.
Maxamed Biixi Yoonis wasiirka arimaha dibadda ee maamulka Soomaaliland ayaa meesha ka saaray in Soomaaliland oo dowlad madax bannaan ah ay daba fariisato madaxweynaha Soomaaliya Xasan SH Maxamuud sida uu yiri,wuxuuna tilmaamay in Soomaaliya iyo Soomaaliland ay yihiin Laba dal oo walaalo ah isla markaane Jaar ah sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuuna hoosta ka xariiqay iney aaminsan yihiin deris wanaag iney ku wada noolaadaan walaalahooda Soomaaliya sida Jabuuti iyo Ethiopia,wuxuuna tilmaamay in Soomaaliland ay ku taagnaan doonto dariiqa ay ku raadineyso sidii ay u heli lahayd Aqoonsi,wuxuuna intaa ku daray iney wafti ka socday Midowga Yurub oo Hargeysa gaaray ay u cadeeyeen Mawqifkooda Shirka Brussles.
“Waxaa inoo yimi wafti ka socda Midowga Yurub,waxaanu ka dhaadhicinay fikirkeena ah inaan nahay Laba dal oo kala gadisan,weyna naga aqbaleen,Midowga Yurub waa ururka aan ka helno kaalmada ugu faraha badan,Ma oran karno Waar ma Imaaneyno shirkiina ee waxaa loo baahan yahay inaan u sharraxno qadiyadeena”ayuu yiri wasiirka arimaha dibadda maamulka Soomaaliland Maxamed Biixi Yoonis.
Wasiirka ayaa ku nuuxnuuxsaday iney reer Soomaaliland ka go’an tahay ka mira dhalinta Ictiraaf ay dunida ka helaan si ay u noqdaan dal si buuxa uga madax bannaan Jamhuuriyadda Soomaaliya,Soomaaliland ayaa ku dhawaaqday iney ka go’aday Soomaaliya inteeda kale muddo laga joogo 22 sano ka hor ilaa hadane ma jiro dal kamid ah dunida oo aqoonsaday Soomaaliland.
RBC Radio