Ankara(RBC) Dowladda Turkiga ayaa ka hadashay weerarkii shalay lagu qaaday xarunta ay Shaqaalaha u dhashay dalkaas ka dagan yihiin magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,R/wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Bakar Bosdok oo la hadlay warbaahinta dalkaas ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa fal argagixiso oo waxashnimo ah.
R/wasaare ku xigeenka ayaa cambaareeyey weerarkaas,wuxuuna tilmaamay in shaqaalaha Turkigu ay Soomaaliya ujoogaan sidii ay u caawin lahaayeen shacabka Soomaaliya,wuxuuna intaa ku daray inuu xiriir la sameeyey madaxda dowladda Soomaaliya ayna u sheegeen in gudi loo saaray weerarkaas ayna ka war sugayaan dowladda Soomaaliya.
Dhanka kale wasiirka arimaha dibadda dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaareeyey weerarka lagu qaaday shaqaalaha Turkiga,Axmed Daa’uud Oogle wasiirka arimaha dibadda dalka Turkiga oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in weerarkaas uu kaga Shahiiday 1 askari oo kamid ahaa ciidamada qaabilsanaa dhanka amniga.
Axmed Daa’uud Oogle wasiirka arimaha dibadda dowladda Turkiga ayaa u mahad celiyey dadkii isku xilqaamay ka hortagga dhibaatada lala damacsanaa in lagu waxyeeleeyo shaqaalaha u dhashay dalkiisa ee hawlaha samafl ka wada magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Alshabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkan ayaa sheegay in Turkigu uu Soomaaliya u joogo lugooyada shacabka Soomaaliyeed sida ay hadalka u dhigeen,balse dowladda Dalka Turkiga ayaa ah dalka indha caalamka kusoo jeediyey dalka Soomaaliya xilli ay dhabarka ujeedisay dunida inteeda kale,wuxuuna dalka ka hayaa hawlo gargaar iyo adeegyo kale oo fara badan oo ay ka mid yihiin horumarinta Caafimaadka, waxbarashada,Dhismaha iyo quudinta danyarta Soomaaliyeed.
RBC Radio