Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya oo maanta hortagaya mudanayaasha baarlamaanka federaalka

$
0
0

c. kariin guuleedMuqdisho(RBC Radio) Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda federaalka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta hortagi doona mudanayaasha golaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo hore codsi ay ku doonayaan in wasiirka baarlamaanka la horkeeno u gudbiyey gudoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa wasiirka hor dhigi doona Su’aalo  ku saabsan amniga caasimadda oo faraha kasii baxaya iyo dagaal beeleedyo ka dhacay gobolka Shabeelaha hoose kaasoo ay ku lug yeesheen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo la kala saftay qabaa’ilkii dagaalamay.

Gudoomiyaha golaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed SH Cismaan Jawaari ayaa kulankiii shalay ay yeesheen mudanayaasha baarlamaanka federaalka waxa uu ka sheegay in loo aqbalay codsigii ay mudanayaashu ku dalbanayeen in wasiirka loo yeero lana horkeeno fadhiga baarlamaanka ee maanta oo ay taariikhdu ku asteysan tahay 28 bisha July,wuxuuna dhammaan mudanayaasha baarlamaanka ugu baaqay iney soo xaadiraan kulanka maanta.

Wasiirka ayaa saacadihii lasoo dhaafay waday dadaalo oo ku donayo in lagu xaqiijiyo amniga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,waxaana wadooyinka waaweyn ee caasimadda Muqdisho lagu arkayaa ciidamo fara badan oo xiliyada habeenkii ah gaafwareegaya,wasiirka ayaa sidoo kale gaaray gobolka Shabeelaha hoose oo ay bilahan danbe ku dagaalamayeen maleyshiyo beeleed dadaaladaas oo u muuqda inuu ku doonayo inuu iskaga difaaco su’aalaha adag ee xildhibaanadu ay hordhigi doonaan,iyada oo ay socdaan dadaalada ay dowladda ku dooneyso sugidda amniga Muqdisho ayaa hadane waxaa sii socda falalka amni xumo ee magaalada ka dhacaya.

 

 

 

Muqdisho

 

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles