Muqdisho[RBC Radio]Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay oo ka hadlayey weerar ismiidaamin ah oo lugu qadey xarun ay ku sugnaayeen shaqaale Turki ah oo ka howlgalla safaaradda Turkigu ay ku leedahay Muqdisho ayaa si cadd u sheegey in werarkaas iyo kuwo lamid ahba uusan wax saamen ah ku yeelan doonin shaqooyinka hay’addaha caalamku ay ka wadaan Soomaaliya.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa ugu horeen lugu cambaareyey qaraxa ay waxyeeladu kasoo gartey xarun ay ku sugnaayeen shaqaale Turki ah oo ka howlgalla safaaradda Turkiga ay ku leedahay Muqdisho,waxana uu Kay dowladda Turkiga tacsi uga direy weerarkaasi isgoona sheegey inuu ahaa wax laga xumada ayna dhankooda ka xunyihiin.
Nicholas Kay ayaa amaan usoo jeediyey dowladda Turkiga waxana uu ku sheegey inay yihiin kuwo si geesinimo ku dheehantahay u gacan qabta dadka walaalahod ah ee dhibaatesan,waxana uu inta ku darey inay Turkiga laba jibaari doonan howlahooda shaqo iyagoona waxba kasoo qaden weerarkan lugu qadey.
“Dowladda Turkiga waxay si geesinimo leh uga shaqeeyan Soomaaliya iyagoo gacan siinaya dadka Soomaaliyed ee dhibaatesan,kana qeyb qaadanaya horumarinta dalka iyagoo fuliya mashaaric dubu dhid, taasna ma ahaa inay ha kineyso qaraxi shaley lala eegtey ee waxan ka filena inay labo jibaaran“ayuu yiri Nicholas Kay.
Nicholas Kay ayaa sheegey Qaramada Midoobay iyo hay’addaha kale ee saaxiibka la ah inaysan dhaq jalaq u siin doonan qaraxyadda ka dhaca Muqdisho ayna siiwadi doonan howlahooda.
Dowladda Turkiga ayaa ah quwada ugu weyn ee gacanta siisa dadka Soomaalida iyo dowladdoodaba waxana xiligaan ka socda magaaladda Muqdisho dibu dhis ay wado Turkiga iyagoona hirgaliyey mashaaric hormarineed halka kuwo kalana ay ku howlan yihiin.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio