Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Baarlamaanka Puntland oo maantey doodd ka yeelan doona xeerka miisaaniyadda sanadka 2013ka

$
0
0
Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirishiid Maxamed Xirsi

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirishiid Maxamed Xirsi

Garoowe[RBC Radioi]Magaaladda Garoowe ee xarunta Puntland waxaa maantey lugu wada sidii lugu balamey inay kafuranto doodd ay yelan doonan baarlamaanka Puntland,taaso la xiriirta ka dooddista xeerka miisaaniyadda sanadka ee 2013ka.

Xildhibaanada ayaa sheley doodd an natijo kasoo bixin ka yeshey xeerka miisaaniyadda sanadka,waxana warbixin kasiiyey baarlamaanka guddiga dhaqaalaha baarlamaanka Puntland oo gacanta ku hayey,xildhibaanada ayaa su’aalo ka weydiyey guddiga arrimo ay ka mid yihin yarnsho ku timid miisaaniyadda dowladda Puntland iyo qeymaha sarifka ee lugu meel marinayo miisaniyaddaan.

Xildhibaanada ayaa isla soo qaaday sida la isku waafajin karo dakhliga dawladda ay canshuurta ku qaaddo iyo qiimaha lacageed ee mushaar ahaan loo siiyo shaqaalaha.

Waxaa lugu wada in la dar dar galiyo meel marinta miisaaniyadda maadaamaa uu waqti yar u harsan yahay baarlamaankan ayna u yaalaan xeerar badan.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirishiid Maxamed Xirsi ayaa dooda ka dib guddiga ka codsadey inay dib ugula noqdaan wasaaradda maaliyada Puntland sii loo saxo waxa ay ka biya diidan yihiin baarlamaanku.

Ugu danbeentina waxaa uu guddoomiyaha baarlamaanku u sheegey xildhibaanada in maantey ay isugu yimaadan doodda xeerkani,waxana lugu wada inay baarlamaanku maanta gaaran go’aanka ugu danbeeya ee ay ku ansixinayaan ama ay ku diidayan xeerka miisaaniyadda sanadka .

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19828

Trending Articles