Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Baarlamaanka Federaalka oo dhegeystay akhrinta 3aad ee hindise Sharciyeedka Shaqaalaha wasaarada arimaha dibadda

$
0
0

baarlamaanka kulanMuqdisho(RBC Radio) Mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo Muqdisho kulan ku  yeeshay ayaa waxaa ay kulankooda uga doodeed sharciga Shaqaalaha wasaaradda arimaha dibadda dowladda federaalka Soomaaliya oo ay hore usoo gudbisay wasaaradda arimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya kadib markii ay dhegeysteen akhrinta 3aad ee hindise sharciyeedkaas.

Kulanka ay xarunta golaha ku yeesheen  mudanayaasha baarlamaanka federaalka oo xiligan oo ay soo xaadireen 157 xildhibaan  ayaa waxaa shir gudoominaya gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed SH Cismaan Jawaari,kulanka baarlamaanka ee maanta ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka arimaha dibadda dowladda Soomaaliya Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan.

Gudiga arimaha dibadda iyo iskaashiga u qaabilsan baarlamaanka ayaa mudanayaasha ka hor akhriyey akhrintii 3aad ee sharcigan,waxayna u sheegeen mudanayaasha baarlamaanka iney sharcigan kusoo sameeyeen tifatir buuxa.

Mudanayaasha ayaa dood dheer ka yeeshay sharcigan,waxayna su’aalo hor dhigeen wasiirka arimaha dibadda Marwo fowziya Yuusuf Xaaji Aadan,gudoonka baarlamaanka federaalka Maxamed SH Cismaan Jawaari oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in doodda hindis sharciyeedkani ay sii socon doonto ilaa maalinta berri ah.

Mudanayaasha baarlamaanka oo ku guda jiray muddo bil ah oo ay yeelanayaan kulamo aan caadi ahayn oo uu hore uga codsaday madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa meel mariyey sharciyo iyo heshiisyo dhowr ah oo ay usoo gudbiyeen wasaaradaha kala duwan ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

 

 RBC Radio

Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles