Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Qarax Ismiidaamin ah oo khasaare gestay oo Muqdisho maanta ka dhacay

$
0
0

ismiidaaminMuqdisho(RBC Radio) Qaraxa khasaare geystay ayaa maanta barqadii ka dhacay agagaarka  Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho,qaraxa ayaa ahaa gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa sida ay ku warameen saraakiisha ciidamada  dowladda federaalka ee goobta gaaray.

Qaraxa ayaa inta la hubo geystay dhimashada 1 ruux oo gaariga gudihiisa ku gubtay iyo dhaawaca 4 ruux oo ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay, qaraxa ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Nasii-Buundo bartamaha wadada kala qaybisay degmooyinka Yaaqshid iyo Kaaraan  ,warar iskhilaafsan ayaa kasoo baxay qaraxaas iyo sida uu u dhacay,gaadiidka Dam Damiska oo goobta soo gaaray ayaa ku guulestay daminta dabkii ka dhashay qaraxa.

Wararka qaar ayaa sheegay in qofka qaraxa ku dhintay uu ahaa ninkii waday gaariga qarxay kaasoo uu si lama filaan ah gaarigu ugu qarxay isaga oo aan gaarsiin halkii uu ugu tala galay,waxaana kaloo jira warar kale oo sheegaya in gaariga qarxay oo ahaa nuuca raaxada laga lahaa wasaaradda hawlaha guud iyo dib u dhiska dalka.

Saacado kadib ayaa waxaa goobta soo gaaray gudoomiyaasha degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshid, Muxudiin Xasan Jurus gudoomiyaha degmada Yaaqshid oo goobta Saxaafadda kula hadlay ayaa sheegay in ninka qaraxa ku dhintay uu ahaa ninkii watay gaariga Miineysan.

Balse gudoomiyaha degmada Kaaraan oo isne goobta ku sugnaa ayaa la weydiiyey waxa ka jira warraka sheegaya in gaariga qarxay ay leedahay wasaaradda hawlaha guud iyo dib u dhiska,wuxuuna sheegay iney  suurta gal tahay arintaasi balse aysan hubin,wuxuuna tilmaamay iney wadaan baaritaano ay ku ogaanayaan sida uu qaraxaasi u dhacay kadibne ay warbaahinta faah faahin dheeraad ah siin doonaan.

Qaraxan ayaa qayb ka ah falalka amni xumo ee maalmahan danbe kusii baahayey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

RBC Radio

Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles