Muqdisho[RBC Radio] Magaaladda Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya waxaa ka dhacay qaraxa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ka soo lagu weeraray dhisme KMG ah ee safaarada Turkiga ee magaaladda Muqdisho.
Warka ku aadan qaraxa ee anu heleno ayaa sheegayaan in ugu yaraantii labo qof ay ku dhinteen oo mid kood ahaa qof watay dareeska ciidamada milatariga iyo qof shacaba oo wadada marayay.
Rasaas ayaa dhacdey qaraxa ka dib waxana ay isku dayeen sida uu inoo xaqiijiyey qof goobta ka agdhawa inay kooxo ay isku dayeen inay guddaha ugalaan safaaradda balse ay iska caabiyeen ilaaalada safaarada turkiga iyo ciidamo kuwa dowladda ah.
Xiliga uu qaraxa dhacay ka dib waxaa goobta garey gawaarida gurmadka ee caafimaadka Turkiga waxana la arkayey iyagoo daad gureynaya dhaawacyo shaqaalaha turkiga ka soo gaaray weerarka is qarxinta ah.
Illaa xiligaan si cadd lama oga khasaaraha dhabta ah ee gaaray shaqaalaha Turkiga ee daganaa gurigaasi hasa yeeshee waxaa burburay wajiga hore ee dhismaha weerarka lagu qaaday.
Qaraxaan ayaa ka dhigaya kii labad ee maantey ka dhaca magaaladda Muqdisho kadib markii saakey gaari walxaha qarxa laga soo buxiyey uu ka dhacay Isgoyska Sanca ee Muqdisho.
RBC Radio