Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa war kasoo sartey qorsho ay wada gaaren labada dal ee Australia iyo Papua New Guinea(PNG),qorshahaan ayaa ah in qaxootiga doonyaha ku yimaada dalka Australia aan loo ogolaan inay dalka soo galaan isla markaana lagu xareeyo xeryo qaxooti uu wadanka Australia ka furay dalka Papua New Guinea(PNG) waxana UNHCR ay arrintaan ku tilmaamtey mid an loobahneen oo an munaasib ahyen xiligan inay go’aanka qadato Australia.
UNHCR waxay ku sheegtey warbixinteeda in ay jiraan qaxooti ubaahan inay helaan noolal dhaanta mida taala goobaha ay kasoo tageen halkaaso ay ka jiran amni xumo iyo noolal yaran,waxana si weyn loogu dhaliiley warbixintaan Australia iyadoona la sheegey in xiligaan uu dalkaasi qadey talaabo an loo bahneen in xiligaan la qaado.
Dalka Papua New Guinea ee xiligaan ladoonayo in ladajiyo qaxootiga doonyaha ku yimaada dalka Australia ayey UNHCR ku sheegtey inuu yahay dal an wali dhamestirin sharuudihi uu ku marti galinlaha qaxootiga,maadama sida la sheegey aysan wali xaqiijin in uu sugan yahay amniga iyo goobaha ay doonayan inay dajiyaan dadka dhibaatada kasoo barakacay.
UNHCR Papua New Guinea waxay udirtey fariin ay ku sheegtey inay jawaabo kasoo bixiyaan dhamaanba xaquuqda la doonayo inay yeeshan dadka ay doonayaan inay ku hayaan xeryo qaxooti oo dalkooda ku yaala.
Dalka Australia waxaa ku nool shacab badan oo Soomaali ah kuwaaso ka cararey dhibaatada amni xumo ee uu dalku ku jiro muddo dhan 22-sano,waxana la sheegayaa inay sameen kuyeelato kumanaan Soomaali ah go’aankan ay xiligaan Australia ku doonayso inay celiso.
Mid ka mid ah dadka ku nool dalka Australia oo la soo xariirey shabkada Raxanreeb.com ayaa sheegey in xiligaan uu jiro walaac ay ka qabaan nin dad badan oo Soomaali ah oo xiligaan shaqooyin kala gadisan ku heysta dalkaasi inuu saameyo,maadama ay jiraan sida uu inoo sheegey dad Soomaali ah oo dhawaan dalkaas kusoo galey doonyaha .
“Dalka Australia waxaa dhawaanahanba kusoo badanay dad Soomaali ah oo ku imaanaya doonyaha kuwaaso xiligan jira inay shaqooyin hoose ku heysta dalkaas ayna ku maarenayaan nolashooda iyo mida qarabaadooda oo ay dalka gudihisa uga soo tageen”ayuu yiri mid ka mid ah jaaliyada Soomaalida ee ku nool Australia.
Arrimahaan waxaa ay ka danbeeyen ka dib markii dhawaan ay dowladda Australia ay si cadd u sheegtey inay dib u celin doonta kumanaan qaxootiga doonyaha ku yimaada dalkeeda.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio