Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

HRW iyo safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhawaysay go’aan kasoo baxay maxkamada sare Kenya

$
0
0

rax

Nairobi [RBC Radio]Hay’adda Xuquuqda Aadanaha u dooda ee Human Rights Watch ayaa soo dhawesey go’aan ay shalay gaartay maxkamada sare ee dalka Kenya kaasi oo hakad lagu galiyay qorshaha dowladda dalka Kenya ee ahaa in dib loo celiyo qoxootiga ku sugan Magaalooyinka waa wayn ee dalkan Kenya .

Kenya ayaa dooneysey inay dib ugu celiso xeryaha qaxootiyada ku dhawaad 55.000 oo qaxooti Soomaali ah oo ku sugan caasimada dalkaasi iyo magaalooyin dalkaas,celinta dadka xaqootiyada ah ayey Kenya ku sheegtey inay ka qeyb qatan amni xumada dalka.

Sida ay sheegtey Human Rights Watch wax cadden ah oo mujinaya in qaxootiyada ku sugan magaaloyinka waa weyn ee dalka inay qeyb ka qataan amni xumada dalka Kenya,maxkamaduuna ay sidaa awadeed xukuntey in la joojiyo qorshaas.

Warkaan ay HRW ku taageertey go’aanka maxkamada ay ka gartey dibu celinta xaqootiyada oo lagasaro magaaloyin ayaa waxay ku sheegtey in qaxooti Soomaali iyo Ethiopian ah iyo dad magangalyo doon ah ee ku sugan magaaladda Nairobi ay waxyeelo u geysteen ciidamada Booliska, waxaana ka mid ahaa jirdil iyo kufsi dhamaadkii sanadkii 2012 iyo horaantii sanadkaan 2013, iyadoo booliska ay qaxootiga ugu yeerayeen Argagixiso ayna sheegeen inay dib ugu celinayaan xerooyinka qaxootiga.

Dhanka kale safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya ayaa iyaduuna soo dhaweysey go’aanka maxkamada sare,safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya Mohamed Ali Americo oo ka hadley hadalka kasoo baxay maxkamada ayaa si cadd u sheegey inuu yahay mid ay siweyn ugu qanceen.

Sidoo kale safiirku waxaa uu hadalkiisa ku sheegey inay ku howlanayeen mudadaanba sidii go’aanka uga laban lahed Kenya balse xiligaan ay go’aanka hakisey maxkamada sare ee Kenya.

Kenya ayaa wali ku howlan sidii qoxootiga Soomaalida ah dib logu celin lahaa dalkooda Soomaalia,iyadoo bisha soo socada lagu wado in magaaladda Nairobi uu ka furmo shir wayne looga hadlayo dib u celinta qoxootiga.

Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles