Ceelbuur(RBC Radio) Alshabaab ayaa ku baaqay dagaal hore leh oo lala galo dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada caawinaya ee AMISOM,afhayeenka guud ee alshabaab SHeekh Cali Maxamuud Raage Cali-dheere oo boqolaal ruux oo shacab ah kula hadlayey Masjid ku yaalla degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa ugu baaqay iney alshabaab gacan ku siiyaan dagaalka ay ka wadaan gudaha Soomaaliya.
Cali-dheere ayaa sheegay in dadka Muslimiinta ah looga baahan yahay iney qayb ka qaataan ka hortagidda waxa uu ku tilmaamay Cadowga Diinta Islaamka ee kusoo duulay dalka iyo Diinta sida uu sheegay,wuxuuna tibaaxay in qofka aysan u suurta galin inuu tago furumaha hore ee dagaalka inuu usoo duceeyo alshabaab.
Afhayeenka alshabaab SH Cali Maxamuud Raage ayaa sheegay in hadii alshabaab laga saaro guud ahaan dalka Soomaaliya ay hubaal tahay in dada Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah ay la kulmi doonaan dhibaato fara badan oo uga imaan doonta dhanka dowladda iyo ciidamada kaalinaya ee AMISOM sida uu hadalka u dhigay.
SHeekh Cali-dheere ayaa sheegay ineysan jirin wax u dhaqan dadka Soomaaliyeed,isagoona tilmaamay in dhammaan waxyaabihii ay Diintu fartay in la dhowro lagu tuntay,wuxuuna daboolka ka qaaday in la bannaystay dhiiga dadka Soomaaliyeed,maalkooda isla markaane dhibaato lagu hayo Diintooda sida uu hadalka u yiri.
Alshabaab oo laga saaray inta badan gobolada Dalka ayaa waxaa ay xiligan wadaan is aruursi iyo sidii ay u heli lahaayeen dhalinyaro hor leh oo u dagaalama si ay usii wadaan dagaalka ay kula jiraan dowladda iyo ciidanka AMISOM ee gacanta siinaya.
RBC Radio