Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku wajahan degmooyinka gobolka Gedo ee ku jira gacanta alshabaab

$
0
0

ciidanka dowladaGedo(RBC Radio) Saraakiisha ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa daboolka ka qaaday iny saacadaha soo socda ku wajahan yihiin deegaanada iyo degmyoonka gobolkaas ee xiligan ku jira gacanta alshabaab,Afhayeenka Ahlu sunnada Koonfureed SHeekh Maxamed Xuseen Alqaadi oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay inuu soo gabagaboobay diyaar garow dagaal oo ay maalmahan danbe wadeen.

Wuxuuna sheegay iney diyaariyeen ciidamo aad u fara badan oo ay ugu tala galeen iney alshabaab ka saaraan degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo ee gobolka Gedo oo ay ka arimiyaan alshabaab,wuxuuna sheegay in ciidamadan uu u dhamaytiran yahay hubkooda ayna u diyaarsan yihiin iney alshabaab ka sifeeyaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolkaas.

Alqaadi ayaa sheegay in ciidamada uu u dhiman yahay dhaqaaq oo kaliya,wuxuuna dhanka kale beeniyey wararka sheegaya in ciidamada Ethiopia ay ka baxayaan gobolka Gedo,isagoona tilmaamay in Ethiopia ay iska kaashanyeen dabargoynta Cadowga sida uu yiri aysane u sheegin wax la xiriira iney ka baxayaan gobolkaas.

Balse waxa uu xusay in ciidamada Ethiopia aysan dalka u dhalan ayna ka bixi karaan gudaha Soomaaliya markii ay doonaan,wuxuuna daboolka ka qaaday iney iyagu u diyaarsan yihiin iney la wareegaan gobolkaas hadii ay banneeyaan ciidamada Ethiopia ee xiligan ku sugan.

Alshabaab ayaa xiligan gacanta ku haya degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo ee gobolka Gedo,waxaana soconaya abaabul dagaal oo ay wadaan ciidamada dowladda ee ku sugan degmooyinka kale ee Gedo sida Garbahaarey kaasoo ay ku doonayaan iney alshabaab kaga saaraan degmooyinkan

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles