Muqdisho(RBC Radio) Dagaal iyo Madaafiic barbar socotay ayaa xalay lagu qaaday Warshadii hore ee Barafuunka ee degmada Hiliwaa oo xiligna fariisin cidan u ah ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM iyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ,koox si aad ah u hubaysan oo la rumaysan yahay iney alshabaab ka tirsan yihiin ayaa weerar ku qaaday Warshada Barafuunka waxaana halkaas ka dhacay dagaal in muddo ah socday.
Kooxda weerarka qaaday ayaa Madaafiic ku riday gudaha xarunta Warshadda Barafuunka oo ay ku sugnaayeen ciidamada isgarabsanaya,ciidanka AMISOM ayaa intaa kadib bilaabay duayn arxan darro ah oo ay ku garaaceen xaafado ka baxsan goobta lagu dagaalamay.
Madaafiic dhowr ah ayaa ku dhacay xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Hiliwaa,wararka horu dhaca ah ee saaka naga soo gaaraya dadka deegaanka ayaa sheegaya in Madaafiicda AMISOM ay geysatay dhaawaca 2 ruux oo rayid ah inta la xaqiijiyey,mid kamid ah madaafiicda ayaa ku dhacay Guri Jiingad ah oo uu ku noolaa Nin xamaali ah oo ka tirsanaa dadka deegaanla waxaana ka dhashay dhaawaca Ninkaas iyo Gabadh aad u da’yar.
Madaafiicda ayaa lasoo sheegayaa iney sidoo kale ku dheceen guryo badan oo degmada Hiliwaa ku yaal kuwaas oo ay Madaafiicdu dhulka la simeen,shacabka deegaanka ayaa waxaa soo food saaray cabsi iyo wel wel ku aaddan Madaafiicda dib Muqdisho uga bilowday,waxayna sheegeen iney tahay markii Labaad oo xriir oo AMISOM ay Madaafiic ku garaacdo deegaanka Suuqa Xoolaha,habeen hore ayey ahayd markii sidan oo kale Madaafiic lagu garaacay xaafadaas uu ku dhintay qof rayid ah.
Shacabka ku dhaqan deegaanada Soos iyo Suuqa xoolaha ee degmada Hiliwaa ayaa saaka lasoo sheegayaa iney qaar kamid ah qoysaska u xirxiranayaan iney deegaanka ka cararaan maadaama uu marti u noqday Madaafiicda aan loo meeldayin ee ka timaada ciidanka AMISOM marka weerar lagu qaado.
RBC Radio
Muqdisho