Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Mo Faarax oo Baaq u diray Bangiga Barclays iyo masuuliyiinta ugu saraysa dalka Ingiriiska

$
0
0

mo farahLondon(RBC Radio) Oradyahanka  caanka ah ee Soomaaliyeed Maxamed Faarax ee haysta Biladaha Dahabka ah Orodka dheer ee Ciyaaraha Olombikada Adduunka  una  orda dalka Ingiriiska ayaa ka hadlay arinta  ay dhawaanahan walaaca ka muujinayeen bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingiriiska kadib  taasoo ah markii Bangiga Barcalys ee dalkaas uu shaaca ka qaaday inuu gabi ahaanba xiri doono Akoonada shirkadaha Xawilaadaha Soomaalida.

Mo Faarax  ayaa sheegay in tallaabada lagu joojinayo Akoonada  Shirkadaha Xawaaladaha ee Bangiga Barclays iney Saamayn fara badan ku yeelan doonto Malaayiin Danyar ah oo ku nool dalaka Faqriga ah ee ay Soomaaliya kamid tahay kuwaas oo ku tiirsan lacagaha ay ka helaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingiriiska.

Maxamed Faarax ayaa sheegay in go’aankaasi uu yahay mid dhibaato ku ah dad badan oo ku nool dunida 3aad,wuxuuna shaaca ka qaaday inuu codsiyo u diray R/wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron iyo duqa magaalada London ee caasimadda dalkaas.

Wuxuuna sheegay inuu ka rajeynayo iney tixgalin doonaan codsigiisa ku saabsan inaan la xirin Akoonada Shirkadaha Soomaalidu ay ku leeyihiin Bangiga Barclays,Mo Faarax ayaa sheegay in dadka ugu horeeya ee arintani ay Saamaynta ku yeelanayso uu isagu ugu kamid yahay  maadaama ay joogsan doonto lacagaha uu usoo diro Hay’adda Samafalka Mo Faarax Foundation oo uu isagu aas aasay kana hawl gasha meelo kamid ah Soomaaliya.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa si isku mid ah walaac ballaaran uga muujisay go’aanka Bangiga Barclays uu ku xirayo Akoonada Shirkadaha Xawilaadaha dalal badan oo ay Soomaaliya ka mid tahay kadib markii sida uu bangigu sheegay lacagahaas qaarkood looga shakiyey in loo diro kooxo argagixiso ah.

 

 

RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles