Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wafti Wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ciidan ka kooban oo ku baxay xiisadaha colaadeed ee gobolka shabeelaha hoose

$
0
0

Muqdisho bakaaro 1Muqdisho(RBC Radio) Wafti ka kooban Wasiiro,Xildhibaano iyo Saraakiil ciidan ayaa ku baxay gobolka shabeelaha hoose oo maalmahan danbe uu ka socday dagaal u dhexeeyey ciidamada ka wada tirsan kuwa dowladda oo u abaabulan qaab beeleed,waftiga maanta gaaray gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxaa kamid ah wasiirada arimaha gudaha iyo amniga qaranka,wasiirka gaashaandhigga iyo wasiirka Garsoonrka,Awqaafra iyo arimaha Diinta Xildhibaano 10 gaaraya iyo abaanduulaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Waftiga ayaa gaaray deegaanka Muuri ee duleedka Afgooye halkaas oo ay kulamo kula qaateen waxgaradka iyo masuuliyiinta deegaankaas oo ay kala hadleen xiisadaha colaadeed ee goobtaasi ka taagan,xildhibaan Mahad Maxamed  Salaad oo kamid ah  waftiga dowladda ee ku baxay Colaadda Shabeelaha hoose ayaa sheegay in qorshaha waftigu uu yahay in ciidamo beeleedka dagaalamay laga qaado goobaha ay isbaarooyinku u yaallaan isla markaane lagu soo bedelo ciidan ay dowladdu leedahay.

Masuuliyiintan dowladda ee gaaray gobolka Shabeelaha hoose ayaa saacadihii lasoo dhaafay oo idil kulamo ku lahaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxayna ka arinsanayeen tallaabada uga aadan joojinta dagaalada iyo xiisadaha colaadeed ee mudooyinkan ka taagnaa gobolka Shabeelaha hoose.

Masuuliyiintan ayaa kusii jeeda deegaano dhowr ah ay ku dagaalameen labadan Maleyshiyo beeleed,waxaana lagu wadaa iney xal nabadeed kala dhexdhigaan dhinacyada uu dagaalku u dhexeeyo.

 

 

RBC Radio

Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles