Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20472

Deegaannada maamulka Somaliand oo laga baari doono shidaalka

$
0
0
Xuseen Cabdi Ducaale oo ah wasiirka Tamarta iyo Macdanta Soomaaliland

Xuseen Cabdi Ducaale oo ah wasiirka Tamarta iyo Macdanta Soomaaliland

Hargeysa[RBC Radio] Maamulka Soomaaliland ayaa si cadd u sheegey inay ku howlan yihiin sidii deegaanada ay maamusho looga baari laha shidaal, kadib markii ay sheegen inay heshiisyo dhanka shidaal baarista ah ay lagaleen shirkaddo baara shidaalka.

Xuseen Cabdi Ducaale oo ah wasiirka Tamarta iyo Macdanta Soomaaliland ayaa warbaahinta u sheegey inay hishiisyo kala gadisan lagaaren shirkaddo ka shaqeeya baarista shidaalka.

“Deegaanada maamulka Soomaaliland waxaa laga bariidoona shidaal,waxana xiligaan heshiisyo lagarney shirkaddo baara shidaalka,waxan rajo wanaagsan ka qabna in an ku guulesano in deegaanada Soomaaliland shidaal laga helo”ayuu yiri wasiirku.

Xuseen Cabdi Ducaale waxaa uu sidoo kale hadalkiisa kusoo qadey inay jireen heshiisyo  ay horey ula galeen shirkado baara shidaalka balse waxaa uu tilmaamey in heshiiyada ay dib usoo celinayaan.

Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Soomaaliland waxaa uu sidoo kale sheegey in haddii lugu guulesto shidaalka ay ka caawindoonta in horumar ay gaaran dhamanba gobolada maamulku uu ka koban yahay lagana kaaftoomo in shidaal dalka dibadiisa laga keeno,sidoo kale waxaa uu rajo wanagsan ka muujiyey sida ay xiligaan ugu howlan yihiin inay sida ugu dhag siyaha badan u bilaaban baarida shidaalka ee gobolada Soomaaliland oo idil.

Waa markii ugu horeysey oo ay Soomaaliland sheegtey inay xiligaan ku howlan yihiin sidii shidaal looga baari laha deegaanadooda.

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20472

Latest Images

Trending Articles



Latest Images