Muqdisho(RBC Radio) Maanta barqadii ayaa waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda ku geeriyooday Alla ha u naxariistee gudoomiyihii Naadiga Saxaafadda Soomaaliyeed Inj. Mukhtaar Xasan Maxamuud,geerida Inj. Mukhtaar ayaa waxaa inoo xaqiijiyey Wariye Maxamed Cabdi Madaale oo ku sugan goobta uu ku geeriyooday Inj. Mukhtaar Maxamuud.
Madaale ayaa sheegay in Alla ha u naxariistee Marxuum Inj. Mukhtaar Xasan Maxamuud inuu muddo 5 bilood ah la xanuunsanayey Xannuunada Cagaarshowga iyo Sonkor,waxaana uu ugu danbeyntii maanta Abaare 10kii barqanimo ee maanta ayuu geeriyooday Inj. Mukhtaar oo ka mid ahaa dadka kaalinta weyn kasoo qaatay horumarinta Saxaafadda Soomaaliya.
Qaban-qaabada aaska Marxuumka ayaa xiligan ka socota Muqdisho,waxaana lagu wadaa in aas weyn loo sameeyo,Inj. Mukhtaar gudoomiyihii Saxaafadda Soomaaliyeed ayaa waxaa lasoo dersay xaalad caafimaad xumo,waxaana la tilmaamayey in xaaladiisa caafimaad ay kasii dareysay maalmahan danbe.
Inj. Mukhtaar ayaa ku dhashay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug sanadkii 1945tii sida ay inoo sheegeen dad ay isku dhow yihiin,wuxuuna ifka kaga tagay Wiil iyo Gabadh sida uu ku waramay Maxamed Cabdi Madaale oo ay aqoon dheeraad ah isku lahaayeen Marxuum Inj.Mukhtaar Xasan Maxamuud.
RBC Radio
Muqdisho