Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20486

Qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo Muqdisho ka dhacay

$
0
0

muqdisho cadeeyMuqdisho(RBC Radio) Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo habeenadan danbe ay kusoo bateen falalka amni darro ayaa waxaa xalay ka dhacay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay waxyeelo kasoo gaartay dadka shacabka ah ee ku dhaqan caasimadda Muqdisho.

Suuq ku yaalla degmada Hodan gaar ahaan halka loo yaqaano beerta qaadka ee agagaarka Saybiyaano ayaa kooxo hubaysani waxa ay ku tuureen Bambaanooyin,Bambooyinka oo lala bartilmaameedsanayey ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo goobta ilaalo ka hayey ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa 5 ruux oo rayid ah.

Dadka dhaawacmay ayaa u badnaa dumar danyar ah oo goonta caano ku iibinayey,dhaawacyada dhibanayaashan oo la gaarsiiyey Cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa lasoo sheegayaa in qaarkood ay qabaan dhaawacyo culus oo kasoo gaaray qaraxa Bambaano.

Kooxdii Bamka tuurtay ayaa goobta ka baxsatay,ciidamada dowladda ee goobta ku sugnaa ayaa baaritaano ka sameeyey nawaaxiga uu qaraxu ka dhacay,mana la sheegin cid ay qaraxa usoo qabteen.

Dhanka kale ruux rayid ah ayaa lagu toogtay Isgoyska Dabka ee wadada Makka Al-mukarama ,qofka la dilay oo la sheegay inuu ahaa dadka deegaanka ayaa waxaa la sheegay iney rasaas la dheceen koox dabley ah oo saarnayd gaari wadada marayey.

Markii uu dilku dhacay ayey kooxdaasi ku carareen gaarigii ay wateen,lama oga sababaha loo dilay qofkan shacabka ah balse arimahan ayaa qayb ka ah falal amni xumo oo kusii baahaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

 

 

 

RBC Radio

Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20486

Latest Images

Trending Articles



Latest Images