Marko(RBC Radio) Masuuliyiinta maamulka gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegay iney qorsheynayaan in deegaanada gobolkaas ee ay ku dagaalamayaan Maleyshiyo beeleedyada iska soo hor jeeda in la geeyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM si ay u kala dhexgalaan una joojiyaan dagaalka ka socda gobolkaas.
Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada maamulka gobolka Shabeelaha hoose Cumar Maxamuud Cilmi ayaa sheegay iney wadaan dadaal ku saabsan in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM la geeyo goobaha ay Maleyshiyo beeleedku ku dagaalamayaan si ay u kala qaadaan kadibne looga wada hadlo xalinta colaadaasi.
Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in dagaalkani uu yahay mid aysan dani ugu jirin shacabka Shabeelaha hoose,wuxuuna tilmaamay in maamulkoodu uu dadaal fara badan u galay sidii loo dhammayn lahaa colaaddan soo noq noqday,wuxuuna ugu yeeray dhinacyada dagaalamaya iney si shuruud la’aan ah xabbadda ku joojiyaan.
Cumar Maxamuud Cilmi ayaa sheegay iney ku rajo weyn yihiin in saacadaha soo socda ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay gaaraan deegaanada ay xiisaddu ka oogan tahay,wuxuuna xusay in dagaal uusan wiil ku dhalan bals euu wiil ku dhinto loona baahan yahay in laga waantoobo dagaal aan dan ahayn sii socoshadiisa loona istaago sidii loo joojin lahaa.
Gudoomiye ku xigeenka Shabeelaha hoose ayaa sheegay ineysan dagaaladani ahayn dagaal ay iskaga soo horjeedaan Beelo u dhan balse ay yihiin Maleyshiyaad hubaysan oo si iskod ah u dagaalamaya uuna dagaalkoodu ka dhashay is qabqabsi la xiriiray Jidgooyooyin ay dhigteen wadada Xiriirisa Afgooye iyo Shalaanbood.
RBC Radio
Muqdisho