Muqdisho(RBC Radio) Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo kasoo kala jeeda beelo maalmahan danbe ku dagaalamayey gobolka Shabeelaha hoose oo xalay Muqdisho kulan ku yeeshay ayaa ka dhawaajiyey iney bilaabayan dadaalo lagu kala dhexgalayo Maleyshiyo beeleedyada ku dagaalamaya deegaanada gobolka Shabeelaha hoose.
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah mudanayaashii kulankaasi ka qaybgalay ayaa warbaahinta u sheegay iney ka wada hadleen sidii colaadaasi loogu joojin lahaa sida ugu dhaqsaha badan,wuxuuna tilmaamay iney keentay sii socoshada colaadaas oo in muddo ah soo jiitameysay kadib markii ay dowladdu ka gaabisay iney doorkeeda ka qaadato xalinta xiisadahan colaadeed.
Xildhibaanka ayaa sheegay in dowladdu ay iska indha tirtay dhibaatada kasoo socotay Shabeelaha hoose,wuxuuna tilmaamay iney hadda dheceen wixii muddo laga digayey uuna socdo dagaal ay ku dhimanayaan dad aan waxba galabsan oo walaalaha.
Mahad Maxamed Salaad ayaa sheegay iney sida ugu dhaqsaha badan u qorsheynayaan iney u gaaraan gobolka si ay u kala dhexgalaan Maleyshiyo beelaha dagaalamaya,dagaaladii ugu danbeeyey ayaa ka dhacay deegaanka Ceelwareegow ee gobolkaas.
Maleyshiyada labada dhinac ayaa shalay ilaa xalay 3 jeer dagaal fooda isdaray,mana cadda khasaaraha dhabta ah ee dagaalka ka dhashay walow ay jirto dhimasho iyo dhaawac kala gaaray Maleyshiyo beeleedka dagaalamay,masuuliyiinta maamulka gobolka Shabeelaha hoose oo shalay gaaray goobaha ay dagaaladu ka socdaan ayaa sheegay iney Xabbad joojin kala dhex dhigeen dhinacyada dagaalamaya.
Goobaha lagu dagaalamayo ayaa waxaa kamid ah deegaanada ceelwareegow,Buufow iyo Lambar 50 oo dhammaantood dhaca inta u dhaxaysa degmada Afhooye iyo deegaanka Shalaanbood ee gobolka Shabeelaha hoose.
RBC Radio
Muqdisho