Garoowe (RBC RADIO) Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha Puntland ayaa Maanta Xilka Wasaarada Warfaafinta loogu magacaabay Abwaan Axmed Sheekh Jaamac kadib markii isla maanta wasiirkii Wasaaradaasi maamulayay Engineer MAxamuud Caydiid Dirir loo wareejiyay Wasaarada Qorsheynta oo si Kumeel gaar ah uu u hayay Sayid Maxamed C/dulle Xasan oo ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi.
Masuulka hada xilka loo Magacaabay ayaa ah Abwaan si wayn dalka looga yaqaano kuna dheereeya Arimaha Suugaanta iyo Dhaqanka Soomaalida waana la filayaa in uu wax badan ka badalo hab sami u socodka shaqada Wasaarada Warfaafinta oo lagu tilmaamo in ay ka mid tahay Wasaaradaha Hooseeya marka la eego dhanka Wax qabadka.
Abwaan Axmed ayaa looga fadhiyaa in uu la yimaado isbedel muuqda iyo isu soo dhaweynta Bahda Saxaafada Puntland iyo Wasaarada Warfaafinta oo in mudo ahba ku kala Fikir duwanaa Xeer lagu dhaqayo Saxaafada oo Wasaaradu iskeed usoo sameesatay taasoo ay ka biyo diideen Wariyeyaasha una arkeen in ay tahay mid qasab ah oo aan sharciga waafaqsaneyn lagalana tashan markii la qorayay.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.