Gaalkacyo[RBC Radio]Duqa degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug Col. Axmed Cali Salaad oo ka hadley dil xaley magaaladda Gaalkacyo loogu geestey sargaal ka tirsana hay’adda PDR xafiiskeda Gaalkacyo ayaa sheegey in dilalka gobolka ka dhaca inay ka danbeeyan dad wax magarato ah.
Axmed Cali Salaad ayaa tilmaamey in dadka wax laya ay yihiin dad u abaabulan mu’amarad qorsha heedu yahay dilalka waxgaradka gobolka iyo guud ahaan Puntland.
“Dilalka dhaca waxaa geesta cadow nacas ah oo diinta ku marmarsooda kuwaaso u abaabulan oo losoo direy inay laayan culamada,waxgaradka iyo dadka wax galka uu ah gobolka iyo Puntland,cadoowgas waa mid nooga yimaada qarbaa reer Mudug ah intooda badana koonfurta laga soo diraa markey wax geestana waxay ku labtaan koonfurta iyo halkii ay ka yimaaden”ayuu yiri Axmed Cali Salaad duqa degmada Gaalkacyo.
Duqa sidoo kale waxaa uu sheegey inay indho dheer ku eegayaan dadka raba inay bulshada reer Puntland ku ridaan indho la’aan waxaa uu tilmaamey inaysan sura galeen in loga haro dhibaatada ay geesanayan.
Sidoo kale duqa waxaa uu shacabka ku nool Gaalkacyo u sheegey inay tirikooban guuryaha dariska la’ah ayna si qarsoodi ah usoo sheegayan cida ay uga shakiyaan inay ka mid yihiin dadka wax laaya.
“Dadka shacabka ah waxan u sheegana in ay ka qeyb qaatan in gacanta lugu soo dhigo dadka indhaha karidaya dadka wax tarka ah,waa in reer walba ogyahay oo uu tiri koob ku sameeyo guuryaha dariska la’ah iyo ciida ku nool,waa kalo ka codsanayna iney nooso sheegan ciida ay ka shikiyaan oo ay la soo xiriiran ciidamada amniga“ayuu duqa kusoo qaday hadalkiisa.
Axmed Cali Salaad ayaa ugu danbeenti ugu baaqey ciidamada ammaanka ee gobolka inay indha dheer ku eegan amniga Gaalkacyo si loga hortago khataraha ka iman karta cadow uu ku tilmaamey inay yihiin kuwo soo duley.
Hadalkaa duqa degmada Gaalkacyo ayaa ku soo aadaya iyadoo magaaladda Gaalkacyo bishan an ku gudajirno ee ramadaan lugu diley labo ka mid ah saraakisha u shaqeyn jirtey hay’addo ka howlgala Puntland.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo