Garoowe (RBC RADIO) Golaha wakiilada Puntland ayaa maanta Meel mariyay in Dib loogu noqdo Nidaamka Hab-beeleedka oo 14kii sano ee tagay ay Puntland kusoo dhaqmeesay kadib markii meesha uu ka baxay Qorshe lagu doonayay in loogu Gudbo Dimuqraadiyad iyo Xisbiyo balse arintaasi ay yeelatay mucaarad badan badan oo kasoo horjeeda Nidaamkaasi.
Kalfadhigoodii 30naad oo ay Xildhibaanadu ku jiraan ayeey dood dheer kadib ku ansixiyeen in Lasoo xulo 66 xildhibaan ee badali doona kuwa hada jira cod caqlabiyad leh ayeeyna Xildhibaanadu ku meel mariyeen mana jirin cid mucaaraday sida uu Saxaafada u sheegay Gudomiyaha Baarlamanka Puntland C/Rashiid Maxamed Xirsi.
Kadib markii meesha ay ka baxday Rajadii laga qabay in deegaanada Puntland laga hirgeliyo nidaamka Asxaabta badan ayaa Dowladu ula muuqatay Xal in Dib loogu noqdo Doorashooyinkii Qabiiliga ahaa oo aan dastuurka hada Puntland ka jira aan meel kaga oolin kadib markii siweydiintu ay u badatay hadii lagu hungoobay Dimuqraadiyad loo gudbaa waxa xigi doona oo Shacabka Puntland lagu hagi doono.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.