Garoowe[RBC Radio] Digreeto kasoo baxdey maantey xafiiska madaxweynaha Puntland Dr,Cabdirixmaan Faroole ayaa waxaa isbadal lugu sameyey labo wasaaradood oo katirsan wasaaraddaha Puntland,taaso sababtey in wasiiro lagabadalo xilkii ay hayeen lona magacaabo wasaarado kale.
Maantey waxaa wasiirka qorshaynta ,xiriirka caalamiga ah iyo arrimaha federaalka Puntland loo magacaabey wasiirka Warfaafinta Eng.Maxamuud Caydiid Dirir,kadib digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland.
Isbadalka lugu sameeyey labadaan wasaaraddo ayaa lo cuskadey xeer lanbarkiisu ahaa 115 kuna taariikhysnaa maanta 24 July,magaacabistaay ayaa lugu sheegey in lugu doonayo isbadal iyo dar dargalin lugu sameeyo shaqada wasaarada qorshaynta Puntland.
Wasaarada horey waxaa si KMG ah uhayay wasiiru dowlaha Dr.Sayid Maxamed Cabdulle Xasan,kadib markii uu xilkaan iska casiley Dr.Daa’uud Maxamed Cumar wasiir ka ahaa qorshaynta.
Eng.Maxamuud Caydiid Dirir wasiirkii hore ee warfaafinta Puntland ayaa xilkaa hayey tan iyo 15 -September sanadkii 2012.
Waxan wali lamagacaabin wasiirka warfaafinta Puntland ruuxa noqonayo ayadoona lafilayo in dhawaan lamagacaabo.
RBC Radio