Muqdisho(RBC Radio) Mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa u yeeray wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda federaalka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed si ay su’aalo uga weydiiyaan amni darrada dalka kusii baahysa iyo dagaalada kusoo noqnoqday gobolka Sh/hoose oo ay ku lug leeyihiin ciidamada dowladda Soomaaliya.
Kulanka ay maanta mudanayaashu ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waaxaa gudoonka loosoo gudbiyey waraaq ka timi xubno ka tirsan baarlamaanka kuwaas oo dalbanaya in wasiirka baarlamaanka la hor keeno si ay su’aalo u weydiiyaan.
Mahad Cabdalla Cawad shir gudoonka kulanka maanta ee baarlamaanka oo ajandihiisa ahaa akhrinta 3aad ee heshiiska Continuo ee Bahwadaagta ayaa waxa uu goobta ka akhriyey waraaq ay soo gudbiyeen 15 xildhibaan oo baarlamaanka ka tirsan taasoo ay ku dalbanayaan in wasiirku uu xarunta golaha shacabka yimaaddo si uu uga jawaabo dagaal beeleedyo kusoo noqnoqday Sh/hoose oo ay ku lug leeyihiin ciidamada dowladda.
Mahad Cabdalla Cawad ayaa faray wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda Soomaaliya inuu baarlamaanka hor yimaaddo maalinta Axadda ee soo socota oo ay taariikhdu ku beegan tahay 28 bishan 7aad si uu uga jawaabo su’aalaha mudanayaasha baarlamaanka.
Dhibaatooyinka ka taagan gobolka shabeelaha hoose ayey maalmahan oo idli siyaabo gaar gaar ah uga hadlayeen mudanayaasha baarlamaanka ee kasoo jeeda gobolkaas,waxaana ugu danbeeyey dhaawac dorraad loo geystay taliyihii nabad sugidda gobolkaas.
RBC Radio
Muqdisho