Muqdisho(RBC Radio) Mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo kulank ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa meel mariyey heshiiska Bahwadaagta” Continuo” oo ay dhawaan usoo gudbisay wasaaradda arimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Kulanka maanta ee mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo uu shir gudoominayey gudoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa Kooramka soo xaadiray 169 xildhibaan.
Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa akhrinta 3aad ee heshiiska caalamiga ah ee ay Soomaaliya saxiixday ee Bahwadaagta kaasoo ka dhexeeya wadamada Afrika,dalalka badda Paasifiga kulaala iyo wamada deeqaha bixiya,waxaana ugu horeynba kulanka warbixin kooban oo ku saabsan faa’iidada Soomaaliya ugu jirta heshiiskan mudanayaasha u akhriyey xog-hayaha gudiga arimaha dibadda iyo xiriirka caalamka ee baarlamaanka.
Wuxuuna soo bandhigay dhowr qodob oo heshiiskani uu dan ugu yahay Soomaaliya,waxaana kamid ahaa qodobada uu gudigu miiska soo saaray
1.In heshiiskani uusan haba yaraatee waxba u dhimeen madax bannaanida Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.
2.In heshiiskani uu keeni karo fursad Iskaashi dhaqaale iyo mid Siyaasadeed.
3.In heshiiskani uu qayb ka qaadan karo danaha qaranka Jamhuuriyadda Soomaaliya dhaqaale ahaan,Siyaasad ahaan iyo horumar bulsheed intaba.
4.Wuxuu noqon karaa heshiiskan bay’o aan ka helno Saaxiibbo aan iskaashano,,heer gobol,heer Qaaradeed iyo mid caalamiba.
Intaa kadib ayaa gudoonka kulanka baarlamaanka waxa uu faray mudanayaasha baarlamaanka iney cod gacan taag ah u qaadaan heshiiskan,mudanayaasha baarlamaanka federaalka ayaa cod buuxa ku ansixiyey heshiiskan sida uu ku dhawaaqay Mahad Cabdalla Cawad,waxaana si isku mid ahg ugu codeeyey dhammaan 169kii xildhibaan ee madasha fadhiyey,shir gudoonka ayaa ku dhawaaqay in heshiiskaasi uu ansax yahay isla markaane uu dhankooda kasoo dhammaaday.
RBC Radio
Muqdisho