Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Puntland: Ololihii Shanaad ee ka hortaga Cudurka Dabeysha ayaanu qabaneynaa.

$
0
0

3

Garoowe (RBC RADIO) Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Cali C/laahi warsame ayaa sheegay in wasaaradiisu ay qaban doonto Ololihii 5naad ee looga hortagayay Cudurka Qatarta ah ee Dabeysha kaasoo ka dilaacay qaybo ka mid ah gobolada Dalka wuxuuna wasiirku cadeeyey in la diyaariyay kooxihii Caafimaadka Gaadiidkii iyo wacyigelinadii kale ee ay hawshaasi ugu talagaleen Maalinnimada Berito ahna uu barnaamijkaasi furmi doono uuna socon mudo 5maalin ah.

 

Wasiirka wuxuu baaq u diray Waalidiinta reer Puntland isagoo u sheegay in cudurkan uu sidii hore kasoo dhawaaday lagana helay Magaalada Laascaanood waalidiintana looga baahanyahay in ay la sahqeeyaan kooxda Caafimaadka si loo helo caruur ka badbaada cudurkaasi halista ah, wuxuu sidoo kale ku booriyay bahda caafimaadka in ay u shaqeeyaan si hufan lana imaadaan firfircooni iyo fahamsiin guud oo ay dadka ka siiyaan dawada ay wadaan iyo waxa ay quseyso.

 

Dr Cali wuxuu sheegay in ay jiraan dad dhaliilsan talaalka fikir qaldannah ka haysta hase ahaatee dadkaasi ay la jaan qaadi doonaan hadba wacyiga jira, isagoo sheegay in ay diyaar u yihiin in dadkaasi ay wada hadal iyo falanqayn dheer la galaan si loo fahan siiyo waxa ay diidan yihiin loogana dhaadhiciyo in uusan dhib wadan dheef mooyaane.

 

Ololahan 5naad oo Wasaarada caafimaadka ay qaadayso ayaa imaanaya kadib markii laga warhelay in Cudurka dabayshu ama Booliyadu laga helay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool sidaa darteedna ay dantu keentay in markale olole ka hortag ah la qaado,waxaa sidoo kale xusid mudan in cudurkan 7sano uu ka maqnaa dalka hadana uu dib ugu soo laaabtay ayna hada inta la ogyahay uu ku dhacay 79 qof oo ku kala sugan Qaybo ka mid ah Gobolada Dalka.

Ibrahim Wadani

RBC RADIO

Xafiiska Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles