Muqdisho(RBC Radio) Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday iney go’aan ka qaadan doonto isticmaalka diyaaradaha Duqoobay ee aan adeegsiga galin ee xiligan ka shaqeeya dalka,mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa wasiirka warfaafinta,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka hor dhigay waxa uga dagan wasaaradda diyaaradaha duqoobay ee dalka ka shaqeeya xilli uu dhawaan qatar ku galay madaxweynuhu diyaarad cilladeysan oo uu Muqdisho ka raacay kadibne ay daqiiqado kadib si hal haleel ah garoonka usoo caga dhigatay.
Wasiirka ayaa sheegay in xiligan ay tahay dhibaatada wasaaradda ka hor taagan wax ka qabashada arintaas sharci la’aan,wuxuuna ka dalbaday mudanayaasha baarlamaanka federaalka iney meel mariyaan sharciga uu shalay u gudbiyey ee duulista rayidka ah iyo saadaasha hawada.
Wasiirka ayaa ballan qaaday in la arki doono tallaabada ay wasaaraddu qaado hadii la ansixiyo sharciga ay baarlamaanka u gudbiyeen,wuxuuna sheegay iney shirkadaha diyaaradaha hor dhigi doonaan iney dalka keenaan Diyaarado la aamino karo hadii kale ay ka hor istaagi doonaan ka shaqaynta gudaha dalka.
Wasiirka ayaa dhanka kale soo hadal qaaday tallaabo uu sheegay iney dowladdu ku guuleystay taasoo la xiriirta in dadka Soomaaliyeed loo fududeeyo Socdaalka,wuxuuna xusay in bulshadu ay dhibaato ku qabaan sharciyada yar yar sida Green-ka iyo wixii la mid ah ee Baasaboorka lagu sugo ineysan u suurta gali kari jirin iney meeshey rabaan u socdaalaan.
Wuxuuna tilmaamay in marka uu qofka Ameerika ka yimaado aysan suurta gal u ahayn inuu kasoo dago garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta inta badanne ay dadku ka dagi jireen garoonka Kampala kadibne ay safar dheer oo dhulka ah Kenya kusoo gaari jireen arintaas ayuu sheegay iney xiligan soo afmeereen dadkune ay ka dagi doonaan meesha ay doonaan.
RBC Radio
Muqdisho