Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan SH Maxamuud ayaa xalay Muqdisho ku casuumay odayaashii dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xulay mudanayaasha baarlamaanka federaalka,ujeedka kulanka ayaa ahaa in madaxweynuhu uu odayaasha ka dalbado iney garab istaagaan dowladda uu hogaaminayo.
Inta badan odayaashii kulanka ka hadlay ayaa dhaliilo usoo jeediyey dowladda federaalka Soomaaliya,waxaana ka mid ahaa eedaha ugu badan ee dowladda ay usoo jeediyeen in dowladdu aysan dhegeysan dhaqanka Soomaaliyeed isla markaane ay taladooda iska indha tirtay iyo iney ku sifowday dowlad aan wax qabad lahayn sida ay tilmaameen.
Suldaan Kibaar oo ka mid ahaa waxgaradkii madasha kulanka ka hadlay ayaa si kulul u dhaleeceeyey madaxda dowladda,wuxuuna tilmaamay iney dowladdan uga wanaagsaneed middii kumeelgaarka ahayd sida uu sheegay.
“Dowladdu wey na nacday,waxay na yeeli doonto ma naqaan?,dowladihii kumeelgaarka ahaa wasiirada waan naqaanay iyagune wey nayaqaaneen,kuwa hadda maaha kuwa aan garaneyno iyagune nama yaqaaniin,waxay belo ka dhacday xafiisyada hadaan tagno guriga ayuu jiraa ayaa la leeyahay inta guri xafiis yahay waxaan leenahay arin toosi mayso”ayuu yuri Suldaan Kabiir.
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan SH oo hadalka qaatay ayaa odayaasha dhaqanka ka raali galiyey cabashadooda wuxuuna ballan qaaday in hadda wixii ka danbeeya ay si dhow u wada shaqayn doonaan dowladda iyo dhaqanka Soomaaliyeed,wuxuuna tilmaamay in odayaasha dhaqanku ay yihiin tiir dhexaadka dowladnimada Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa inta badan odayaasha u sharaxay duruufaha adag ee ay dowladdu ku jirto,wuxuuna u sheegay in madaxda dowladda uusan dadaal ku yarayn habeen iyo maaline ay ku hawlan yihiin sidii uu qarankani ku hagaagi lahaa.
“Waxaan idinka codsanayaan inaad dowladda taageertaan,maaha inaad kaligiin dowladda wax ka rabtaan,dowladdune waxbey idinka rabtaa,waxaan u baahanahay taladiina,fikirkiina iyo ugu danbayn ducadiina,waa inaad soo dhistaan gudi xiriiriya dhaqanka iyo dowladda Soomaaliyeed”ayuu yiri madaxweyne Xasan SH Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa odayaasha u sheegay inuusan jirin dhaqaalo fara badan oo dowladda soo galay sida ay dad badan aaminsan yihiin,wuxuuna kula dardaarmay iney dowladda garab istaagaan.
RBC Radio
Muqdisho