Taliyaha ciidamada nabad sugidda gobolka Shabeelah a hoose ayaa ka warbixiyey dhaawac dhawaan loogu geystay deegaanka Lambar 50 ee gobolkaas,Col. C/rashiid Ibraahim Catoosh taliyaha nabad sugidda gobolka Shabeelaha hoose oo warbaahinta shir jaraa’id ugu qabtay qadka Taleefanka ayaa faah faahin ka bixiyey xaaladiisa caafimaad iyo cidda ay ahaayeen kooxdii dhaawaca u geysatay.
Col.C/rashiid Catoosh ayaa sheegay in xaaladiisa caafimaad ay xiligan tahay mid wanaagsan,wuxuuna tilmaamay inuu ka dhaawacan yahay dhanka garabka,taliyaha ayaa ku sheegay kooxdii dhaawaca u geysatay iney ahaayeen shufto huwan shaarka dowladda federeelka Soomaaliya oo dadka ku dhibaateeya wada xiriirisa Muqdisho iyo Shabeelaha hoose.
Col.Catoosh ayaa sheegay iney dhammaan hay’adaha dowladda u gudbiyeen shaqsiyaad uu sheegay iney gobolkaas qas iyo dhibaato xoogan ka wadaan,waxaana la weydiiyey su’aal ahayd in dhaawiciisu uu daba socdo dhaawac hore loogu geystay Liibaan Madaxweyne oo ka mid ah saraakiisha ciidanka dowladda ee SH/hoose kaasoo loo aaneynayo iney dhaaweceen ciidan beeleed ay isku hayb yihiin Col. Catoosh.
Wuxuuna sheegay in Liibaan uu yahay ninka dhibaatada ugu badan ka wada gobolkaas,isagoona tilmaamay inuu hore dad badan oo aan nwaxba galabsan uu u laayey,wuxuuna sheegay in maxkamadda ciidamada qalabka sida ay ku raadjoogto oo uu yahay nin baxsad ah.
Taliyaha nabad sugidda shabeelaha hoose ayaa sheegay in Liibaan iyo shufto uu wato iney maalinba deegaanka Shabeelaha hoose ah weeraraan oo ay ku laayaan dad aan waxba galabsan sida uu sheegay,wuxuuna meesha ka saaray in arintu ay salka ku hayso aano qabiil.
Wuxuuna intaa ku daray in beelaha Soomaaliyeed ee wada daga Shabeelaha hoose aysan u dhaxayn wax dagaal qabiil ah,balse waxa uu xusay iney jiraan shaqsiyaad uu shufto ku sheegay oo shacabka dhibaateynaya.
RBC Radio
Muqdisho