Sh/h(RBC Radio) Alshabaab ayaa shaaca ka qaaday inuu geeriyooday Sarkaal ay dhawaan sheegeen iney ku dhaaweceen qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ay ku qaadeen Kolonyada gaadiidka AMISOM inta u dhaxaysa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde iyo km4.
Afhayeenka dhanka hawlgallada alshabaab SH C/casiis Abu Muscab oo la hadlayey warbaahinta ku hadasha afka alshabaab ayaa sheegay iney heleen warar sugan oo sheegaya inuu dhaawicii u geeriyooday Gary Shcroen oo uu ku sheegay taliyihii hay’adda Sirdoonka dibadda Maraykanka ee CIA-da u qaabilsanaa bariga Afrika.
Afhayeenka hawlgalla ee alshabaab C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay iney guul u tahay Muslimiinta sida uu dilka ay u geysteen Sarkaalkan sare ee Sirdoonka Maraykanka ah oo uu tilmaamay inuu dhibaatooyin fara badan kasoo geystay dalal badan oo Muslimiin ah sida uu hadalka u dhigay.
Abu Muscab ayaa u mahad celiyey dhammaan intii ka qaybgashay qorshaha ninkaas lagu dilay,wuxuuna si gaara u ammaanay kooxdii alshabaabka ka tirsanayd ee halkaas isku qarxisay oo uu Ilaah uga baryey inuu ka aqbalo Shahaadadooda sida uu yiri.
Alshabaab ayaa sheegtay iney qarax ay Muqdisho ka fuliyeen horaantii bishan ay ku dhaawaceen Sarkaalnka ay magaciisa ku sheegeen Gary Shcroen, ee hadda geeriyooday sida ay sheegeen ,dowladda Maraykanka ayaan ilaa hadda ka jawaabin sheegashada alshabaab ee la xiriirta iney khaarajiyeen sarkaal sare oo Ameerikaan ah.
RBC Radio
Muqdisho