Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Xasan SH oo ka jawaabay eedaha la xiriira in dowladdu ay amniga ka gaabisay

$
0
0

madax weynahenaMuqdisho(RBC) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa ka jawaabay eedo isa soo tarayey oo maalmahan loosoo jeedinayey dowladda uu hogaaminayo kuwaas oo la xiriira in dowladdu ay gabi ahaanba ku fashilan tahay sugidda amniga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan SH Maxamuud ayaa sheegay in dowladdu ay wax badan ka qabatay sugidda nabadgalyada magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,wuxuuna farta ku fiiqay in dowladdu u u guntatay sidii ay u dhisi lahayd ciidan leh Dishibiliin,Tababar isla markaane lagu tababaray gudaha dalka.

“Wixii aan qaban karnay waan qabanay,waxaan diyaarinay 5 Kun oo askari kuwaas oo ay tababareen macalimiin Soomaaliyeed ay wacyi galiyeen culimo Soomaaliyeed  oo haysta gaadiidka dagaalka iyo kuwa cidamada qaada kuwaas oo aan ugu talagalnay iney amniga sugaan”ayuu yiri madaxweyne Xasan SH.

Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday inuusan jirin dhaqaale dowladda kasoo galay lacagihii faraha badnaa ee Soomaaliya loogu yaboohay shirarkii kala duwanaa ee looga hadlayey arimaha Soomaaliya.

“Waxaan rabaa inaan Caawa hortiina ka sheego dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed laga qaado ayey dowladdu ku tiirsan tahay,maaha iney dowladda soo gaareen lacagihii loogu yaboohay,waxaa gacanteena soo galay 4 Milyan oo kaliya oo ka yimid 4 dal oo kala duwan,hadii ay dowladda soo gaari lahaa dhaqaalo amniga ayey wax badan uga qaban lahayd.”ayuu yiri madaxweyne Xasan SH Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la qaatay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xulay baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee aasaaska u ahaa dowladda hadda jirta ee uu hogaaminayo madaxweyne Xasan SH Maxamuud.

 

RBC Radio

Muqdisho

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles