Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dowladda federaalka Soomaaliya oo lagu dhaliilay iney ka gaabisay sugidda amniga Muqdisho

$
0
0

cali maxamed geediNairobi(RBC Radio) R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan laamaha amniga dalka iney wax ka qabtaan falalka amni xumo ee kusii baahaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay inuu helay war ku saabsan in masuuliyiinta iyo laamaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya ee loo xilsaaray sugidda amniga dalka gaar ahaan caasimadda iney ka gaabiyeen wax ka qabashada amniga magaalada Muqdisho,wuxuuna tilmaamay in masuuliyiinta laamaha amniga xitaa ineysan ka jawaabin taleefanada marka ay wax dhacaan ama ay bulshadu dibaato arkaan si u ugu gudbiyaan laamaha amniga dowladda sida uu sheegay.

“Hadii uusan amni jirin dowlad maba jiri karto,laamaha ammaanku way ka gaabiyeen sugidda amniga Muqdisho,waxaane tusaale u ah dilalkii u danbeeyey ee shalay Muqdisho ka dhacay,Ilaahey ha u naxariisto intii dhimatay”ayuu yiri Cali Maxamed geedi.

Geedi ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay in laamaheeda u xilsaaran amniga iney la yimaadaan qorshe ay ku xaqiijinayaan nabadgalyada dalka gaar ahaan midka caasimadda oo ay ku sugan yihiin dhammaan masuuliyiinta iyo hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Hadalka R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa imaanaya xilli ay sii kordhayaan falalka amni xumo ee ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,shalay galankii danbe ayaa suuqa Bakaaraha waxaa siyaabo kala duwan loogu toogtay 4 ruux oo la sheegay iney ahaayeen askarta dowladda Soomaaliya,waxaana sii kordhaya dilalaka qorsheysan ee magaalada ka dhacaya.

 

 

 

 

RBC Radio

Nairobi

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles