Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Baarlamaanka Galmudug oo is hortaagay Tirakoob ay dowladda federaalka Soomaaliya ka waday deegaanada maamulkaas

$
0
0

galmudugGaalkacyo(RBC Radio) Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa is hor istaag ku sameeyey Barnaamij lagu Tirakoobayey shacabka ku dhaqan deegaanada uu ka arimiyo maamulka Galmudug oo ay si wada jir ah u wadeen wasaaradaha Qorsheynta dowladda federaalka Soomaaliya iyo midd maamulka Galmudug.

Masuuliyiin ka socda dowladda federaalka Soomaaliya oo dhawaan gaaray deegaanada maamulka Galmudug ayaa ku hawlanaa sidii ay u Tirakoobi lahaayeen dad weynaha ku dhaqan deegaanada uu gacanta ku hayo maamulka Galmudug,waxaana arintaasi kasoo horjeestay baarlamaanka maamulka Galmudug.

Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Galmudug Maxamed Cabdi Ruush oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in tallaabada la doonayo in lagu Tirakoobo dadweynaha Galmudug inaan loo soo marin wadadii saxda ahayd sida uu sheegay,wuxuuna tilmaamay in 7 xubnood oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug iney Mooshin ka keeneen arinkaas.

Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamaanka Galmudug markii ay ka doodeen Mooshinkaasi ay isku raaceen in gabi ahaanba la joojiyo Tirakoobka ay wadaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug.

Maxamed Cabdi Ruush ayaa sheegay in sababaha ay u hor istaageen tirakoobkan iney tahay iyada oo sida uu sheegay aan loo soo marin wadadii saxda ahayd,wuxuuna intaa ku daray iney aqbali karaan marka loosoo maro hannaankii loogu tala galay sida uu sheegay,wuxuuna ka dhawaajiyey in baarlamaanka Galmudug uusan ogolaaneyn in deegaanadooda laga hirgaliyo tallaabooyin aan sharciga waafaqsaneen sida uu hadalka u dhigay.

 

 

 

 

RBC Radio

Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles