Muqdisho(RBC Radio) Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday iney midaynayso Shirkadaha Isgaarsiinta dalka,wasiirka warfaafinta,Isgaarsiinta iyo gaadiidka C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo maanta ka hadlayey Barmaamij ka baxayey Idaacadda ku hadasha afka Dowladda ee Radio Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in xukuuumaddu ay waddo qorshe ay ku midaynayso Shirkadaha kala duwan ee Isgaarsiinta dalka.
C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa sheegay iney hore ugu bandhigeen Mulkiilayaasha Shirkadaha Isgaarsiinta dalka qorshaha ay ku doonayaan iney ku mideeyaan Shirkadaha Isgaarsiinta dalka,wuxuuna tilmaamay iney doonayaan in dalka Soomaaliya ay ka shaqayso hal Isgaarsiin isla markaane laga boxo dhibaatada lagu qabo shirkadaha kala duwan ee is barbar yaacaya sida uu yiri.
Wuxuuna hoosta ka xariiqay iney wadaan wacyi galin iyo baraarujin ay siinayaan Hawlwadeenada Shirkadaha Isgaarsiinta ee xiligan dalka ka jira,isagoona xusay iney ku rajo weyn yihiin iney qorshahaasi hirgaliyaan waqtiga dhow,C/llaahi Ciilmooge wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay iney soo celiso hannaankii dowladnimo ee dalka.
Dalka Soomaaliya ayaa waxaa xiligan ka jira Shirkado Isgaarsiin fara badan kuwaas oo mid walba ay u shaqayso si iskeed ah,Shirkadahan Isgaarsiinta ayey dad badani aaminsan yihiin iney wax wanaagsan ummadda usoo qabteen isla markaane ay kasoo samata bixiyeen xiligii adkaa ee daku uu soo maray.
RBC Radio
Muqdisho