Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon oo kulan Muqdisho kula qaatay Masuuliyiinta Warbaahinta madaxa bannaan

$
0
0

saaid madaxda warbaahintaMuqdisho(RBC Radio) R/wasaaraha  xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho kulan kula qaatay madaxda xarumaha  warbaahinta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,kulanka oo uu dalbaday R/wasaare Saacid ayaa waxaa ku wehlinayey wasiirka warfaafinta oo dhawaan golaha wasiirada ka meel mariyey sharci ay guux ka keeneen warbaahinta madaxa bannaan.

Kulanka dhexmaray R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon iyo masuuliyiinta warbaahinta ayaa waxaa looga wada hadlay sharcigan ay ka didsan tahay bahda saxaafadda ee la dooonayo in baarlamaanka la horgeeyo,masuuliyiintii warbaahinta ee goobta ka hadlay ayaa u sheegay R/wasaaraha in xeerkan saxaafadda aan laga tala galin warbaahinta isla markaane ay ku jiraan qodobo wax u dhimaya madax bannaanida Saxaafadda iyo wariyaasha Soomaaliyeed,waxayna ka codsadeen xukuumadda in arintaasi dib loogu noqdo,dhammaan masuuliyiintii warbaahineed ee goobta ka hadlay ayaa si siku mud ah uga cawday sharciga iyo inaan lagala tashan bahdii Saxaafadda ee uu quseeyey.

Wasiirka warfaafinta C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo isne madasha kulanka ka hadlay ayaa sheegay  iney jiraan waxyaabo badan oo laga been abuuray oo aan sharcigan ku jirin,wuxuuna shaaca ka aaday inuu diyaar u yahay in wasaaraddu ay dhegeysato cabashada warbaahinta ka imaaneysa isla markaane ay soo dhaweyneyso talooyinkooda.

R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid oo hadalka qaatay ayaa carrabka ku adkeeyey in xukuumadiisa ay ka go’an tahay iney si dhow ula shaqeyso Saxaafadda Soomaaliyeed,wuxuuna ballan qaaday inaan warbaahinta la cadaadin doonin ,wuxuuna hoosta ka xariiqay iney muhim tahay in la qaato talooyinka bahda warbaahinta si loo helo sharci dammaanad qaadi kara xuquuqda Saxaafadda dalka,wuxuuna ugu yeeray Masuuliyiintii warbaahinta ee uu la kulmay iney talooyinkooda ku biiriyaan sharciga Saxaafadda ee lagu muransan yahay.

Dhammaan masuuliyiintii warbaahineed ee kulanka ka qayb galay ayaa si diiran usoo dhaweeyey go’aanka R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdiin oo ku aqbalay in dib loogu noqdo sharciga lagu dhaqayo Warbaahinta Soomaaliya oo dhawaan ay meel mariyeen golaha wasiirada Soomaaliya walow aan wali baarlamaanka la horgeyn.

 

 

RBC Radio

Muqdisho

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles