Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Hormuud Foundation oo maanta deeq lacageed gaarsiisay Kun Carruur Agoon ah oo Muqdisho ku nool

$
0
0

 

 

hormuud FoundationMuqdisho(RBC Radio) Hay’adda Hormuud Foundation ee shirkadda Isgaarsiinta Hormuud qaybteeda Samafalka ayaa maanta deeqo lacageed gudoonsiisay Kun Carruur Agoon ah oo ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,Carruurtan deeqda lacageed la gudoonsiiyey ayaa ku kala jira Xarumaha lagu xannaaneeyo Carruurta Agoonta ah iyo qaar kamid ah Agoonta ku jira Xeryaha barakacayaasha magaalada Muqdisho.

Madaxda Hormuud Foundation C/llaahi Nuur Cismaan oo goobta ay deeqda lacageed ku bixineysay Hormuud Foundation ka hadlay  ayaa sheegay iney deeqdan Lacageed ay ka faa’iideysanayaan Kun Carruur Agoon ah,wuxuuna goobta ku gudoonsiiyey Dhammaan Agoontii Kun gaaraysa Midkiiba Boqol Doolar oo uu sheegay iney ugu tala galeen iney Agoontani ku Ciidaan.

C/llaahi Nuur ayaa sheegay iney deeqdan ka faa’iideysanayaan Kun Carruur ah lacagta ay ugu tala galeen iney ku bixiyaanne ay gaareyso Boqol Kun oo Doolarka Maraykanka ah,Mahad Maxamuud Cigale oo madax ka ah Iskuul lagu xannaaneeyo Carruurta Agoonta ah oo lagu magacaabo Orphan’s Care oo Muqdisho ku yaal ayaa baaq u diray ganacsatada iyo hay’adaha iney u istaagaan sidii ay u taageeri lahaayeen Carruurta Agoonta ah,wuxuuna Hormuud uga mahad celiyey deeqda ay Agoonta gaarsiisay.

Hooyooyinka dhalay Carruurta Agoonta ah ee ay maanta deeqaha Lacageed gudoonsiisay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa ka mahad celiyey deeqda Lacageed ee Carruurtood la gaarsiiyey xilli ay sheegeen iney si weyn baahi ugu qabeen,waxayna sheegeen in Hormuud ay ka farxisay Agoonta iyo Waalidiintaba.

Hay’adda Hormuud Foundation ayaa magaalada Muqdisho ka wada dadaalo ay ku taakulaynayso dadka danyarta ah ee ku jira Xeryaha barakacayaasha Muqdisho iyo dadka kale ee Itaalka daran Sida Curyaamiinta xili lagu guda jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan.

 

 

 

RBC Radio

Muqdisho

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles