DARIIQOOYIN MUHIIM AH OO KUU FUDUDAYNAYA XIFDINTA QUR’AANKA KARIIMKA AH
Dr Hassan Ahmed Ali
mattaan007@googlemail.com
Luulyo 18 2013
Walaalka/walaasha muslimka ahow, waxaad ogtahay fadliga weyn ee barashada iyo xifdinta qur’aanka kariimka ah, nabiguna csw, wuxuu yiri: (waxaa idinkugu kheyr badan ruuxa qu’aanka barta oo hadana dadka sii bara).
Hadaba, waxaan halkan idiinkugu soo gudbinayaa qaaciddooyin muhiim ah oo kaa kaalmaynaya sidii aad qur’aanka kariimka ah si fudud ugu xifdin laheyd; Allah ayaan weydiisanayaa inuu nagu anfaco annaga iyo idinkaba, aamiin..
IKHLAAS (ALLAH DARTIIS U BARO)
Waxaa waajib ku ah ruuxa qur’aanka xifdinaya in uu ujeedka wanaajiyo, niyaddanna Alle dartiis ka dhigo; waa inaad qur’aanka u xifdisaa Allah dartiis iyo inaad ku gaartid jannadiisa iyo raalli ahaanshihiisa weyn! Maxaa yeelay Allah ma aqbalo camal ujeeddo kale loo sameeyay, Allah wuxuu qur’aanka ku yiri: (Allah caabud adigoo cibaadada u baraxtiraya, war hooy, Allah waxaa u sugan diin barax la’) [suuradda Zumar, aayadda 2,3]
Nabiguna csw, wuxuu xadiisu qudsi Allah uga weriyay:(anigu waan ka deeqtoonahay kuwa wax isku darsada shirkadooda, qofkii sameeya camal uu aniga cid wax iigu darayo, waan uga tagayaa asaga iyo shirkigiisaba). [Bukhaari & Muslim]
Sidaas darted, ajar kama helayo qofkii qur’aanka u xifdiya istustus iyo inuu magac ku helo, sidoo kalana qofkii qur’aanka u barta inuu adduunyo ku helo shaki ma leh inuu ku danbaabayo.
ISKA SAX KU DHAWAAQIDDA IYO AKHRINTA QUR’AANKA
Tallaabada ku xigta ikhlaasku, waa inaad si sax ah u barataa oo ugu dhawaaqdaa xarfaha iyo kalmadaha qur’aanka, taasoo aad ku gaari karto inaad qur’aanka ka barato qof si wanaagsan u yaqaanna iyo macallin xaafid ah oo sugi kara ku dhawaaqidda saxda ah ee Qur’aanka kariimka ah.
Qur’aanka waxaa lagu bartaa in uu macallin kuu meeriyo oo aad kadaba akhriso, dabadeedna aad macallinkaaga ku dul akhrisid oo uu kaa dhagaysto! Maxaa yeelay (nabigeennu csw, isagoo ahaa carab midka ugu carrab fasiixsan ayuu qur’aanka af ahaan uga meersaday Malakul Jibriil (caleyhi salaam), sidaas oo kale nabigu csw, qur’aanka ayuu u bandhigi jiray malakul Jibriil oo ku dul akhrin jiray sannad walba bisha Ramadaan hal mar, wuxuuna u bandhigay sannadkii nabiga la oofsaday labo jeer). [waxaa weriyay Bukhaari].
Nabiguna csw, sidaas ayuu saxaabadiisa u baray oo ay uga meersadeen afkiisa, ugana dhageystay, saxaabaduna sidaas oo kale ayay ugu soo gudbiyeen jiilalkii ka danbeeyay, annagana uu nagu soo gaaray!
Sidaas darted waxaa waajib ah in qur’aanka laga barto qof akhrintiisa ku xeel dheer, lamana oggola in aad tiraahdo cajal ayaan ka baranayaa amaba aniga ayaa is baraya xitaa haddii aad tahay mid caalim ku ah luuqadda carabiga oo uu qur’aanku kusoo dagay! Maxaa yeelay Qur’aanku waa mucjiz! waxaana ku jira aayado fara badan oo ku yimid si khilaafsan naxwaha carabiga ee lawada yaqaanno!!!
QORSHAYSO QADDARKA AAD XIFDIN KARTID MAALIN WALBA
Qofka doonaya inuu qur’aanka xifdiyo, waxaa la gudboon inuu qorshaysto inta uu awoodo ee uu xifdin karo maalin walba, tusaale ahaan: 5 aayadood, bog barkiis, hal bog, labo bog ama xizib oo ah 1/8 Juz (juzka oo siddeed loo dhigay meeshiis). Markaas ayuu bilaabayaa inuu xifdiyo maalin walba inta uu qorshaystay isaga oo iska ilaalinaya inuu baajiyo, wuuna ku celcelinayaa isagoo akhrintana qurxinaya (tajwiid ku akhrinaya).
Qur’aanka in akhrintiisa codka lagu qurxiyo waa arrin layska doonayo oo aysan bannaaneyn in laga tago, nabiguna csw, wuxuu yiri: (Ruuxii aan qur’aanka ku luuqeeyn, nagama mid aha) [waxaa weriyay: Bukhaari & abuu Daa’uud]
HA KA GUDBIN QORSHE MAALMEEDKAAGA
Uma habboona ruuxa qur’aanka xifdinaya inuu u gudbo cashar cusub ilaa uu si fiican uga xifdinayo casharkii hore, oo uu qalbiga si wanaagsan ugu dhagayo, taasina waxay ku imaan kartaa in xaafidku u sameeyo xifdinta casharkiisa waqti u gaar ah, iyo in uu ku tukado qur’aankii uu xifdiyay salaadaha, (waajib iyo sunnaba) akhriyana waqtiyada uu salaadaha sugayo iyo marka uu salaadda ka baxaba.
Dariiqadani waxay fududaynaysaa xifdinta, qof kastana wuu samayn karaa xitaa haddii uu mashquulsan yahay.
ISTICMAAL MUSXAF GAAR AH
Haddii aad ku talagashay inaad qur’aanka xifdisid, waa inaad samaysataa kitaab (musxaf) kuu gooni ah oo aadan marnaba baddalin. Sababtoo ah qofku wuxuu kaloo wax ku xifdiyaa eegmada, taasoo ah: bilowga aayadaha iyo halka ay musxafka kaga yaalliin ayaa ku daabacmaya maskaxda qofka; eegmada badan ee kitaabka dartiis, haddii qofku baddalo kitaabka uu qur’aanka ka xifdinayo ama isticmaalo musxafyaal ku kala duwan halka aayaduhu ka bilawdaan waxaa dhumaya sawirkii qalbigiisa ku sawirmay xifdiguna wuu ku adkaanayaa.
Sidoo kale, Macallinkana waxaa laga doonayaa inuu ardayga uga dhagaysto kitaabkiisa isla markaana uu u calaamadiyo meelaha uu gafay, ama akhrintu aysan saxneyn, (isagoo isticmaalaya qalin qori) taasi waxay ardayga qur’aanka baranaya ka kaalmaynaysaa inuu xasuusnaado gafafkiisii isla markaana ku dadaalo inuu iska saxo!
Sidaas darted, waa in ruuxu ka bartaa Qur’aanka hal musxaf oo uusan marnaba baddalin!
BARO TAFSIIRKA QUR’AANKA
Waxyaabaha xifdinta kaalmeeya waxaa ka mid ah fahamka tafsiirka qur’aanka; sidaas darteed, waa in ruuxu garanayo macnaha aayaadka uu xifdisan yahay iyo sida hadalku isugu xiran yahay, sidoo kale waa in qalbigiisu usoo jeedo qur’aanka uu akhrinayo, taasi waxay fududaynaysaa in ruuxii aayadihii wada xasuusto.
Sidaas darted, aad bay muhiim u tahay in ruuxa qur’aanka baranaya uu hadana barto macnaha qur’aanka si uu u helo faa’iidooyin badan, oy ka mid tahay inuu guud ahaan fahmo ujeedka risaalada islaamka, iyo in xifdintii u sahlanaato!
HAKA GUDBIN SUURAD ILAA AAD WADA XIFDISO MOOYEE
Marka uu ruuxu dhammeeyo suurad qur’aanka ka mid ah waxaa la gudboon inuusan suurad kale ugudbin ilaa uu suuraddii hore si fiican u xifdiyo mooyee, bilowgeedana ku xiro dhammaadkeeda; waa in xaafidku uusan ku joogjoogsan ee uu akhrinta iyo ku celcelinta ku badiyo ilaa ay qalbigiisa ku dhagto. Sidaas oo kale waa in uu suuraddaas dhammaanteed hal mar ka wada baxaa, xifdiguna uu ahaadaa sidii faatixada oo kale! Markaasna waxaa qofka qur’aanka baranaya u suurtoobaysa inuu suuraddii sidii biyaha u shubo xitaa isagoon ku baraarugsaneyn! Sidaas darted xaafidku waa inuusan suurad kale bilaabin ilaa uu tan hore xifdigeeda sugo maahee.
MAR WALBA DHAGEYSO QUR’AANKA
Dhageysigu wuxuu ka mid yahay dariiqooyinka wax lagu barto waxna lagu xifdiyo, sidaas darted, ruuxa qur’aanka qaybaya waxaa waajib ku ah inuu dhageysi fara badan sameeyo, ha ahaado inuu macallinkiisa ama ruux kale oo qur’aanka yaqaanna ka dhageysto amaba uu cajal sheekh Qaari’ ah duubay uu ka dhageysto; dhageysigaas oo uu waliba mar walba joogtaynayo, wuxuu ka caawin doonaa in uu ku baraarugo meelo uu khalad u akhrin jiray amaba uu xifdigii maskaxda kusii dhajiyo; oo uu gaaro heer uusan qur’aanka si sahal ah ku hilmaami Karin!
SUBAC JOOGTA AH SUBCI
Qur’aanku wuu ka duwan yahay waxyaabaha kale ee la xifdiyo sida gabayga, geeraarka iwm, waayo qur’aanku waa mucjiz, maskaxdana si dhakhso leh ayuu uga tirmaa, rasuulkuna csw, wuxuu yiri: (Allahii baan ku dhaartay ay nafsaddaydu gacantiisa ku jirtaye, wuxuu ka fakan og yahay geela dabran) [waxaa weriyay: Bukhaari & Muslim]. Hadii qur’aanka muddo aad u gaaban aan la akhrin dhakhso ayuu qofku u hilmaamayaa, sidaas darted, waxaa lagama maarmaan akhrin iyo subac joogta ah, nabigu csw, wuxuu xadiis kale ku yiri: (qofka qur’aanka xifdiyay wuxuu la mid yahay ruux geel dabraday, haddii uu ilaashado wuu haynayaa, haddii uu faraha ka qaadana, waa baxsanayaa) [Bukhaari &Muslim]
Sidaas darted, sida ugu wanaagsan ee ruuxu uu ku hayn karo qur’aankii uu bartay waan inuu samaystaa subac iyo wardi joogta ah, taasoo ah inuu akhriyo ama ku subciyo ugu yaraan hal Juz maalin walba, sidaasna uu qur’aanka ku khatimo bil walba; ama ugu badnaan uu akhriyo 10 Juz maalin walba, oo uu qur’aanka ku dhammeeyo 3 maalin, ka yar in qur’aanka la dhammeeyana lama oggola, maxaa yeelay nabigu csw, wuxuu yiri: (ruuxii qur’aanka (dhan) akhriya 3 maalin ka yar ma fahmo) [Bukhaari & Muslim]
SI GAAR AH U ILAALI AAYAADKA IS SHABBAHA
Qur’aanku waa mid is shabbaha (isku eg-eg) xagga macnaha, erayada iyo aayadahaba, Allah wuxuu yiri Sareeye: (Alle ayaa soo dajiyay hadal midka ugu wanaagsan, waa kitaab isku eg-eg…) [Suuradda Zumar, aayadda 23]
Haddii qur’aanku ka kooban yahay 6000 iyo xoogaa aayadood, ku dhowaad 2000 oo aayadood waxaa ka dhexeeya isu ekaansho aad ah oo mararka qaar farqigu noqonayo hal xaraf oo qur ah ama hal kalimo ama labo kalmadood iwm. Sidaas darted, xaafidka waxaa waajib ku ah inuu taxaddar gooni ah siiyo aayaadka is shabbaha, si gooni ahna u barto suuradaha ay ku kala jiraan, kalimaadka ay ku kala duwan yihiin iwm.
Si xaafidku arrintaas u sii xaqiijiyana waxaa la gudboon inuu sii daba galo oo akhriyo kutubta baabkaas laga qoray oo ay ugu caansan yihiin:
AL-aayaatu mutashaabihatul alfaad fii kitaabi -llaahil caziiz (oo uu qoray Al ustaad diktoor Siraaj Saalax Malaa’ikah)
Durratu tanziil wa ghurratu ta’wiil fii bayaani al-aayaat almutashaabihaat fii kitaabil caziiz (oo uu qoray Khadiib al Iskaafii,) iyo
Asraaru ttikraar fil qur’aan (oo uu qoray: Maxamuud bin Xamza bin Nasar Alkirmaani)
iyo kutubta la midka ah.
KA FAA’IIDAYSO DA’DA WAX XIFDINTA!
Dariiqada ugu danbeysa qaaciddooyinkan dahabiga ahi waa in laga faa’iidaysto da’da ay ugu fiican tahay wax xifdintu! Waana da’da u dhexaysa 5 jir ilaa 23 jirka, da’dan qofka xifdigiisu aad buu u sarreeyaa, hilmaankiisuna waa hooseeyaa; marka da’daas laga baxana xaalka ruuxu wuu is baddalayaa oo waxaa hoos u dhacaya xifdigiisa, dhib ayuuna kala kulmayaa xifdiga, illowshuhuna waa ku badanayaa! Waana meesha looga maahmaaho ( yaraanta oo wax lagu xifdiyo waxay la mid tahay dhagax wax lagu nashqadeeyay, weynaanta oo wax lagu xafidaana waxay ka dhigan tahay biyo wax lagu qoray!)
Sidaas darted; waxaa nagu waajib ah inaan ka wada faa’iidaysanno da’da loo yaqaan (da’da wax xifdinta dahabiga ah, i.e 5-23); haddii ay annaga na dhaaftayna aan uga faa’iidayno ilmaheenna iyo jiilka soo koraya.
Allah ayaan weydiisanayaa inuu nagu arzuqo xifdinta kitaabkiisa iyo u akhrintiisa sida uu raalliga ka yahay. Aamiin.
Dr Hassan Ahmed Ali
mattaan007@googlemail.com
========================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM