Muqdisho(RBC Radio) Waftigii ka socday baarlamaanka Soomaaliya ee muddooyinkan ku safarka ku joogay wadanka Ingiriiska ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,waftiga oo uu horkacayey Mahad Cabdalla Cawada gudoomiye ku xigenka Labaad ee golaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta barqadii kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde.
Waftiga ayaa waxaa garoonka si diiran ugu soo dhaweeyey xubno ka tirsan golaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya,Mahad CAbdalla Cawad oo saxaafadda kula hadlay gudaha garoonka Aadan Cadde ayaa ka warbxiyey Safarkii ay mudooyinkan ku joogeen wadanka Ingiriiska,wuxuuna tilmaamay iney kulamo la soo qaateen masuuliyiinta baarlamaanka Britain oo casuumaad rasmi ah ay ka heleen.
Wuxuuna tilmaamay iney ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka Baarlamaanada Soomaaliya iyo Ingiriiska ,wuxuuna xusay iney farxad weyn tahay in baarlamaanka Soomaaliya uu soo ceshaday xiriirkii uu lalahaa baarlamaanka UK oo in mddo ah meesha ka maqnaa.
Mahad Cabdalla Cawad gudoomiye ku xigeenka Labaad ee golaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa intaa ku daray in heshisyadii ay lasoo gaareen baarlamaanka wadanka Ingiriiska iney hor geyn doonaan kulamada ugu soo horeeya ee golaha baarlamaanka si ay uga doodaan.
RBC Radio
Muqdisho