Taliska AMISOM ayaa shaaca ka qaaday iney kasii war hayeen ka bixitaanka ciidamada dowladda Ethiopia ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay,afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM Col. Cali Aadan Xumad oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta taliska AMISOM ee Xalane ayaa ka dhawaajiyey iney sii ogaayeen ka bixitaanka ciidamada Ethiopia ee Baydhabo.
Col.Cali Aadan ayaa sheegay in ciidamnka AMISOM ay si weyn ula socdeen bixitaanka ciidamada Ethiopia wuxuuna tilmaamay iney u diyaar garoobeen la wareegida goobihii ay banneeyeen ciidanka Ethioia ee ka baxay magaalada Baydhabo,afhayeenka ayaa sheegay in qorshaha ay Ethiopia kaga baxday magaaladaas inuu ahaa mid in muddo ah soo socday isla markaane ay iyagu la wareegayaan amniga fariisimihii ay ka bexeen ciidankii Ethiopia ee faarujiyey magaalada Baydhabo.
Afhayeenka ciidanka AMISOM Col. Cali Aadan Xumud ayaa xusay in dad badan oo ku dhaqan gobolka Baay ay maanka ku hayaan wixii ka dhacay magaalada Xudur halkaas oo markii ciidamada Ethiopia ay ka bexeen ay dib alshabaab ula wareegeen taasoo sababtay in intii badneed shacabkii ku noolaa ay ka cararaan xiligane ay ku dhibaateysan yihiin degmooyinka ay ka mid tahay Ceelbarde,wuxuuna tilmaaya ineysan taasi dhici doonin oo amniga goobaha ay banneeyaan ciidanka Ethiopia ay si buuxda ula wareegayaan ciidanka AMISOM.
Afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa dhanka kale ka hadlay qarax shalay ciidankooda lagula eegtay magaalada Kismaayo,wuxuuna tilmaamay in qaraxaasi uusan wax khasaaro ah gaarsiin ciidankooda marka laga reebo 2 askari oo uu soo gaaray dhaawac fudud.
Col. Cali Aadan Xumud afhayeenka ciidanka AMISOM ayaa daboolka ka qaaday in ciidanka AMISOM ay u diyaar garoobeen sidii ay uga hortagi lahaayeen falalka amni xumo ee alshabaab ay damacsan yihiin iney ka geystaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
RBC Radio
Muqdisho