Baydhabo(RBC Radio) Qaybtii u danbeysay ee ciidamada dowladda Ethiopia ayaa maanta faarujiyey fariisimihii waaweynaa ee ay ku lahaayeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo ay muddooyinkii u danbeeyey ay ku sugnaayeen Kumanaan Askari oo ka socda dalka Ethiopia.
Ciidamada Ethiopia ayaa waxaa kamid ah goobaha ay gabi ahaaba faarujiyeen Xaruntii madaxtooyadii madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Baar Bakiin, Suuqa Xoolaha, Garoonka diyaaradaha Baydhabo iyo Warshadda Caddey oo ahayd fariisinka ugu weyn ee ay ku lahaayeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Kolonyada Gaadiidka Dagaalka oo ay ku jiraan gaadiidka Ciidamada qaada, Dabaabaadka qafilan iyo gaadiidka Hubka culus Xambaara ayaa saaka intoodii u danbeysa waxa ay ka huleeleen magaalada Baydhabo oo ay muddo sanado ah ku sugnaayeen kadib markii ay alshabaab halkaa ka saareen.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya ujeedka ciidamada Ethiopia ay uga bexeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadu ay gabi ahaabka ka baxayaan dalka Soomaaliya halka ay warar kalane sheegayaan in ciidamada Ethiopia ay u ruqaansadeen dhanka degmooyinka kale ee ka tirsan gobolka Baay ee ay wali ka ariminayaan alshabaab.
Ciidankii ka baxay magaalada Badhabo ayaa lasoo sheegayaa iney gaareen deegaanka Bardaale ee ka tirsan gobolka Baay, sida uu xaqiijiyey gudoomiyaha deegaankaas Maxamed Isxaaq, gudoomiyaha ayaa sheegay in ciidankii Ethiopia ee kasoo baxay magaalada Baydhabo iney fariisin weyn ka samayteen deegaanka Bardaale.
RBC Radio