Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Mudanayaasha baarlamaanka federaalka oo cod aqlabiyad leh ku diiday Sharciga dhismaha Xafiiska Gardoon oo ay maalmahan ka doodayeen

$
0
0

baarlamanka 2Muqdisho(RBC Radio) Mudanayaashaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa cod aqlabiyad leh ku diiday Sharciga Gardoonka oo ay usoo gudbisay wasaaradda Garsoonrka,Awqaafta iyo Arimaha  Diinta xukuumadda Soomaaliya.

Fadhiga  mudanayaasha baarlamaanka federaalka  Soomaaliya oo ay soo xaadireen  165 xildhibaan ayaa waxaa shir gudoominayey gudoomiye ku xigeenka Koowaad mudane Jaylaani Nuur Iikar,markii uu kulanku furmay ayey mudanayaasha baarlamaanka waxa ay guda galeen ajandaha shirka oo ahaa dhegeysiga gudiga baarlamaanka u qaabilsan Garsoorka iyo arimaha Diinta oo baarlamaanka u faah faahiyey dhisidda xafiiska gardoon oo ay sheegeen inuu yahay mid xoriyad iyo Xaqdhowr siinayo dadka ku sugan gudaha  dalka.

Markii ay dhamaatay dhegeysiga gudiga ayaa gudoonkii kulanka Maanta mudane  Jaylaani Nuur Iikar waxa uu ku amray mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya iney u codeeyeen sharciga  dhoisidda xafiiska Gardoon si gacan taag ah, shir gudoonka Jaylaani Nuur Iikar ayaa ku dhawaaqay Natiijada Codaynta xildhibaanada baarlamaanka,wuxuuna sheegay in 49 Xildhibaan ay u codeeyeen meelmarinta Sharciga Gardoon,10 Xildhibaane ay ka aamuseen halka 106 mudane ay diidmo kala hor yimaadeen sharciga Gardoon,wuxuuna ku dhawaaqay in sharcigaasi uusan ahayn ansax.

Sharcigan oo ay soo gudbisay wasaaradda Garsoorka,Awqaafta iyo arimaha Diinta ayaa waxaa uu dood badan ka dhex abuuray kulamadii ugu danbeeyey ee ay yeesheen mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya,mudaayaasha qaarkood ayaa su’aalo badan ka keenay ujeedka sharciga iyo halka uu ka yimi oo ay sheegeen inuu yahay mid aan hore loo arag isla markaane aan ka turjumeen danaha ummadda Soomaaliyeed.

 HALKAAN KA AKHRISO SHARCIGA GARDOONKA

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles