Nairobi(RBC Radio) Iyadoo ay maalmahan danbe soo baxayeen warar sheegaya iney magaalooyinka Nairobi iyo Kampala ay ka socdeen Shirar ay ka qaybgalayaan masuuliyiin xilal kala duwan dalka kasoo qabtay kuwaas oo kulamadooda tafaasiil kala duwan laga bixiyey ayaa waxaa arinkaas wax laga weydiiyey qaar kamid ahaa siyaasiyiinta ugu caansan ee arimahaasu ku lugta leh.
Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da ayaa dood dhexdhigtay Cali Maxamed Geedi oo soo noqday R/wasaarihii dowladdii kumeelgaarka ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa Alle ha u naxariistee Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed iyo Cali Khaliif Galaydh oo isne R/wasaare kasoo noqday dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan,labada masuul ayaa xalay magaalada Nairobi uga qaybgalay shir ay goobjoog ka ahaayeen rag si weyn looga yaqaano saaxada Siyaasadda Soomaaliya.
Doodda ayaa waxaa ku horeeyey Khaliif oo xiligan xubin ka ah golaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya waxaana la weydiiyey waxa ka jira wararka sheegaya ine mucaarad ku yihiin dowladda federaalka Soomaaliya isla markaane ay ku jiraan qorshayaal ay dowladda ku manja xaabinayaan?
“kuwii mucaaradkaa waday ma nihin,mana taageereyno mucaaradad ka dhan ah dowladda curdanka ah ee dalka ka jirta,mana garanayo meel uu warkaasi ka yimid?ayuu yiri Dr Cali Khaliif Galaydh.
Cali Khaliif oo hadalkiisa sii wata ayaa markale yiri”Wey jiraan waxyaabo badan oo na wal-wal galiyey balse ma aanu gaarin meel aan mucaarad ka noqono”,wuxuuna shaaca ka qaaday iney dowladda taageersan yihiin.
Cali Maxamed geedi oo isne la weydiiyey wararka sheegaya in rag Siyaasiyiin ah oo uu ka mid yahay ay wadaan abaabulo lagu doonayo in lagu ragaadiyo dowladda madaxweyne Xasan SH iyo inuu magaalada Kampala kaga qaybgalay kulan ay Siyaasiyiin caan ah la yeesheen madaxweynihii dowladdii kumeelgaarka ahayd ee ugu danbeysa SH Shariif Sh Axmed.
Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay iney jiraan waxyaabo badan oo dowladda looga fadhiyey oo ay ka gaabisay,wuxuua daboolka ka qaaday iney dowladda ku taageerayaan sidii ay u gudan lahayd waajibaadka qaran ee saaran,isagoona dhanka kale xusay iney dowladda la xisaabtami doonaan sida uu hadalka u dhigay.
Mr geedi ayaa iska fogeeyey inuu ka hadlo waxa uu ku tilmaamay fadhi ku dirirka Siyaasadeed,balse waxa uu qiray in isaga iyo rag kale oo Siyaasiyiin ah ay magaalada Kampala kula kulmeen madaxweyne Shariif SH Axmed,wuxuuna tilmaamay in halkaa uu u tagay arimo isaga si gaara u khuseeyey ayna u suurta gashay inuu ka qaybgalo marti qaad uu u fidyey madaxweyne Shariif sida uu hadalka u dhigay.
Maalmahan danbe ayaa waxaa socdaya kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayaan rag xilal kala duwan dalka kasoo qabtay waxaana ugu danbeeyey kulan Afur ah oo xalay ay magaalada Nairobi ku yeesheen rag ay ka mid ahaayeen Cali Maxamed Geedi,Cali Khaliif Galaydha,Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo xldhibaano Soomaali ah oo ka tirsan baarlamaanka Kenya kulankaas oo aan la ogeen waxa sida dhabta looga wada hadlay.
RBC Radio