Muqdisho(RBC Radio) Gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed SH Cismaan Jawaari ayaa ku baaqay in arinka SH Xasan Daahir Aweys oo ku jira gacanta dowladda Soomaaliya aan loo dhigi qaab qabiil,Gudoomiyaha golaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Kiiska SH Xasan Daahir Aweys ay gacanta ku hayso maxkamadda dalka isla markaane la sugayo go’aanka maxkamadda.
Maxamed SH Cismaan Jawaari ayaa tilmaamay in isaga iyo dhammaan golaha baarlamaanka Soomaaliya ay ka shaqaynayaan sidii SH Xasan Daahir Aweys uu dib u xoriyadiisa ugu heli lahaa,wuxuuna xusay iney madaxweynaha dowladda kala hadleen sidii SH Xasan uu u heli lahaa xuquuqdiisa mawaadinnimo ee uu xaqa u leeyahay.
Gudoomiye Jawaari ayaa garaad xumo ku tilmaamay in arinka SH Xasan Daahir Aweys loo dhigo qaab qabiil taasoo dhibaatooyin keeni karta,wuxuuna kula dardaarmay beesha uu kasoo jeedo SH Xasan Daahir Aweys oo hore u sheegtay in dowladda Soomaaliya ay uga baxday ballamo dhowr ah iney ka fogaadaan wax walba oo dhibaato horseedi kara arinka SH Xasanne la dhamayn doono si nabdoon.
Gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed SH Cismaan Jawaari ayaa sheegay in dowladdu ay ka shaqaynayso amniga SH Xasan Daahir Aweys,hadalka gudoomiyaha ayaa imaanaya xilli uu SH Xasan ku jiro gacanta dowladda isla markaane aan la ogeyn waxa dhabta ah ee ay ka damacsan tahay.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho