Hargeysa(RBC Radio) Wasiirka arimaha gudaha maamulka Soomaaliland Cali Waran-Cadde oo warbaahinta la hadlay ayaa ka dhawaajiyey in maamulkoodu ay ka war heleen abaabul dagaal oo dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso iney kusoo qaado deegaanada uu ka arimiyo maamulka Soomaaliland sida uu sheegay.
Wasiirka arimaha gudaha maamulka Soomaaliland Cali Waran-Cadde ayaa sheegay iney hayaan war kasoo baxay Col. C/llaahi Cali Caanood oo ka tirsan saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed isaga oo u sheegay ciidamo uu la hadlayey iney u diyaar garoobaan sidii ay calanka Soomaaliya uga taagi lahaayeen deegaanada Waqooyiga Soomaaliya oo xiligan uu ka arimiyo maamulka Soomaaliland oo ku adkaysanaya inuu ka madax bannaanyahay Soomaaliya inteeda kale.
“Ninka la yiraahdo C/llaahi Cali Caanood ayaa ku hanjabay iney mar labaad dhulkeenna ka taagaan calankii aynu tuurnay ee dhibka badani inaga soo maray, isaga oo ku hadlaya afka dowladda iyo ka ciidamada Soomaaliya,ciidamo lixaadleh ayaa lagu diyaarinaya Jasiiro kuwaas oo la doonayo in markale lagu qabsado Soomaaliland” ayuu yiri Cali Waran-Cadde wasiirka arimaha gudaha Soomaaliland.
Cali Waran-Cadde ayaa sheegay in maanta ay Soomaaliland joogto meel guul lagu tilmaami karo maadaama uu caalamku u arkay Soomaaliya iyo Soomaaliland iney yihiin Labo qaran oo Siman,wuxuuna ku booriyey maamulka iyo shacabka Soomaaliland iney u diyaar garoobaan sidii ay uga hortagi lahaayeen duulaanka qaawan ee Xamar uga soo wajahan sida uu hadalka u dhigay.
Ma jiro war cad oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aaddan in ciidamada Soomaaliya ay ku duuli doonaan deegaanada maamulka Soomaaliland oo sanadkii 1991 ku dhawaaqay iney ka go’een Soomaaliya inteeda kale,balse masuuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku celceliya in midnimada ummadda Soomaaliyeed ay tahay mid muqaddas ah oo aan gorgortan laga gali karin.
RBC Radio