Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20122

Aqooneey Ba’. W/Q J. A. Yasin. Cambaashe

$
0
0

Aqooneey Ba’
J. A. Yasin. Cambaashe
jama.yasin1010@gmail.com
Luulyo 15 2013

MAQAALAkhristayaal waxaan qoraalkaygan usoo qaatay kaddib markii aan dhegaystey barnaamij galabta kabaxay Idaacadda VOD-da kuna saabsanaa Puntland iyo siyaasaddeeda maanta halka ay marayso. Barnaamijka waxaa kaqayb galay niman aqoonyahanno iyo siyaasiyiin ah sida ay sheegteen welibana aan filayo in ay kasoo jeedaan Puntland midna aan hubo gaar ahaan 2da nin ee kala jooga USA iyo Egypt ee aan qormadadan kaga hadli doono. Kuwaas oo kala ahaa:

1- C/raxmaan Sh Maxamed (Qablax) Jooga Qaahira
2- C/qafaar Cabdi Wardheere Jooga USA Virginia iyo
3- Burhaan Aadan Aw Abdi Jooga Garoowe Puntland

Haddii aan mid mid usoo qaato kuna hormaro, C/qafaar Cabdi Wardheere oo jooga Gobolka Virginia ee waddanka United States of America, waxa uu soo qaatay kuna dooday in ay jiraan wax qoran iyo shuruuc caalami ah oo larabo in laraaco oo lagu dhaqmo taasina aanay maanta Puntland iyo meeshaba oolin sida uu hadalka u dhigay.

C/qafaar Shuruucda iyo qawaaniinta caalamiga ah ee uu tusaalaha usoo qaatay in loo baahan yahay in Puntland lagaga dhaqmo sida tirakoob, kaarar aqoonsi, dhaqaale, waraaqaha codaynta, iwm. Waa yaabe C/qafaar xaggee joogaa, xaggeese ka hadlayaa, miyaanu soomaali ahayn, ma meesha uu joogo ee America iyo Puntland ayuu isbar-bar dhig u samaynayaa, ma meesha uu hadda joogo ee USA ayuu ku dhashay oo Soomaaliya iyo Puntland baanu aqoonba u lahayn, u malayn maayo, miyuu riyoonayaa, mise aqoonta uu leeyahay ee uu sheeganayo ayaa noocaas ah, mise waa ka garaad xumo oo meesha ayay lamartay.

Yaab! Aqooneey ba’ haddii aad noocaas tahay balse waa nin iyo aragtidiis, caqligiis ama garaadkiis.

C/raxmaan Qablax waxa uu sheegay oo uu ka hadlay in loo baahan yahay in Odayaasha dhaqanka latirakoobo loona dabafariisto talada dalka iyaga, yaab!

Waa yaabe dawladdu ma odayada dhaqanka ayay tirakoobtaa, miyay magacawdaa, mise dawladda ayay xubno ka yihiin sida madaxweyne, kuxigeen, wasiirro, baarlamaan iyo waxii lamid ah, waar dadkan sidee wax ka yihiin, mise annaga ayaa waalan oo cadan baalaga heesayaa, yaab! adduunyada nin joogow maxaa aragti kuulaaban, adduunyadan haddaad siijoogtid wax walba waad arkaysaa, reer xamarku waxay oran jireen indhihii dhiman waayaa geel dhalayana waa ku tusaan, waan yaabanahay ee mayla yaabteen oo mayla aragteen ama maqasheen waxa meesha yaal ee nimankii sheeganayey in ay yihiin aqoon yahanno iyo xeeldheerayaal welibana xil iyo mansab siyaasadeed ka doonayay in ay xukumaan Puntland oo madax ka noqdaan weliba xilka ugu sarreeya ee Madaxweynenimo ayay u hanqaltaagayaan in ay qabtaan kuna fadhiistaan kursigaas oo ay hoggaamiyaan Puntland iyo dadkeeda waxa ay ku hadleen, yaabnaye mayaabteen, masidan baa aqoon lagu sheeganayaa oo dad iyo dal larabaa in lagu hoggaamiyo, labada nin waxa ay kala joogaan America iyo Egypt ee ogow, reerahoodii, caarruurtoodii iyo xaasaskoodiina kolley meelahaas iyo dibadaha ayay jiraan sidaan filayo dadka reer puntland-na colaad, dagaal, baaba’ iyo halaag bay ugu baaqayaan una saadiyeen oo ay idaacadda ka iclaamiyeen hadda bal ogow iyana (dadka reer puntland) waa ku maqlayaan waxa aad sheegaysaan iyo belaayada aad lamaaggan tihiin, waase haddii ay idinka yeelaan, ninkii waxa uu yiri waad inoo wada sheegtay.

Waxa labada nin ka hadlayaan maaha wax Puntland iyo Soomaaliya maanta yaal horena looma soo arag inta ay soomaaliya jirtey, 100 sano oo soosocotana laga filimaayo.

Waxa ay is bar-bar dhigeen waddammo hore u maray oo dhammaan dadka kunooli ay tirokooban yihiin oo kaarar, aqoonsiyo iyo waraaqo dhalasho leeyihiin iyo Puntland, cajaa’ib weligeed Soomaaliya ma yeelan waxa ay ka hadlayaan mana yeelan doonto boqollaal sano oo soo socda.

Waxa ka mid ahaa waxyaalaha uu C/Qafaar tusaalaha usoo qaatay waxa looyaqaan Ballot Papers oo laga isticmaalo waddamada reer galbeedka sida kan hadda uu joogo iyo kan aan anigu hadda joogo kuwaas oo ah waraaqaha lagu codeeyo xilliga doorashadu dhacayso oo uu sheegay in aanay Puntland ka jirin lagana helikarin, waxa aan maqli jirey waa sheegayaa oo haddana shareerayaa, arkijirey doon iwm.

Dadku mayagaa yaqaanba waxa uu ka hadlayo, isaguse ma American buu ismoodey miyaanu soomaali ahayn mase ku ogaa Soomaaliya waxa uu hadda ka hadlayo markii uu joogey mise waxa uu wadaa waa sheekadii ridu madhiiqayso, muxuuse wax adag uga dhigayaa waraaqaha isba maalin ayuu arkay oo fahmay kuna codeeye, ma’isagaa hore u yaqaanney, muxuuse wax micno wayn leh ama adag uga dhigayaa, mise erayga ingiriiska ah ee uu ku isticmaalay ayuu wax wayn u arkaa, maxaa dadka loo qaldayaa oo waxaan jirin loogu sheegayaa! Illeen kolley Puntland waraaqo lagu codeeyo waa yaalliine. Aqooney ba’.

Waxaan dhihi lahaa C/qafaar iyo Qablax haddii aad wax taqaannaan oo waxa aad sheeganaysaan dhab idinka yihiin kaalaya dalka oo dadka waxa aad sheeganaysaan kubiiriya haddii ay run yihiin ama aad wanaag doonaysaan ku kordhiya haddii kale kadaaya dadka iyo dalka dhibka iyo belaayada aad u saadinaysaan mana jiraan waxa aad sheegaysaan waase shar iyo dhib aad ka shaqaynaysaan idinka iyo idaacadda VOA-da.

Waxaan ka warhaynaa in dalku meel wanaagsan marayo dhibna aanay ka jirin balse ay kashaqaynayaan shaqsiyaad dano gaar ah leh, kuwaas oo isugu jira kuwo dhaqaale kusoo qaatay iyo kuwo xil sidaas ku doonaya iyo idaacado cadawga Puntland ah oo ka shaqaynaya bur-burinta puntland, mase dhacayso waxa ayka shaqaynayaan oo dadka reer puntland waa dad ka koray waxa aad ka hadlaysaan, waa dad kala yaqaan cadawgooda iyo nasteexooda, waa dad kala yaqaan waxa dantu ugu jirto iyo waxa aanay ugu jirin, waa dad ka dheregsan maanta waxa soomaaliya yaal iyo idaacadaha bur-burkooda kashaqaynaya ilaahay bayse kamagan galeen sharkooda dhegna u dhigimaayaan insha’allaah, annaguna waxaan leenahay kuwa kashaqaynaya bur-burka iyo baaba’ puntland ilaahay iyaga haku celiyo oo guryahooda iyo kuwa ay ka jecelyihiin puntland hala heleen, allow Puntland belaayada ka hay.

Qablax waxa uu sheegay in Puntland ay reero tahay, waa sax balse aan ku waydiiyee, haddii sida aad sheegtay aan kuu raaco Puntland waxa soo maray 3 madaxwyne, waxay kala ahaayeen, Mudane/marxuum. Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Cadde Muuse iyo Cabdiraxmaan faroole, waxa soo maray oo ugu horreeyey xilka Puntland reerka aad kasoo jeedid, waxa ku xigay cadde muuse oo isna reer kasoo jeeda ahaana madaxweynihii ugu danbeeyey ee c/raxmaan faroole xilka uu hadda hayo kala wareegay dadkana idinka ayaa maanta ugu qaylo dheer, bal eeg cadde muuse iyo Gen. Samamatar oo isku dhinac ah iyo Qablax iyo Gaagaab oo iyana isku dhinac ah, kuwaas oo ka soo jeeda reerihii soomaray xununka madaxnimo ee dalka Puntland, maantana iyagii ayaa u taagan xilka Puntland in ay qabtaan markale, oo meeye reerihii kale miyaan cid kale jirin, cid kale oo qaylinaysa, ama hanjabaysa majirto, ma waxaad rabtaan in maantana xilka Puntland aad qabataan oo aad weliba reer ahaan ku qabataan iyo nidaamkii hore ee qabaliga ahaa, yaase idinka yeelaya taas, illeen reero ayaynu nahay sida aad idinba sheegteene, miyaydnaan xishoonayn, miyaydnaan ismaqlayn, miyaydnaan is arkayn, meeye reerihii kale, maxaa dadka idiinku soo hormariyey oo idinka qaylisiinaya, meeye kuwii kale, waar isla yaaba oo dib u fadhiista oo dadka iyo dalka ka xishooda, mise waxa aad waddaan waa dhadhanshaa waalan dhergaana kadaran.

Hadda ogoobeey anigu ma’ahi reeraha aan kasoo sheekeeyey, weliba aan idiin saafee waxaan kasoo jeedaa gobollada SSC balse waxaan aad u aamin sanahay weligayna aaminsanaa, aaminsanaan doonaana jiritaanka iyo wadajirka shucuubta reer Puntland.

Mashaki baa kujira in dimuqraadiyaddu ayka fiican tahay nidaamka hadda jira ee qabaliga ah, jawaabtu waa iska caddahay waana maya. Nidaamka cusub ee hadda dawladdu waddo waa danta dalka iyo dadka. Waxaa ku jira sharafta, karaamada, cisiga, horuumarka, jiraanka dalka iyo dadka reer Puntland waana dhab taasi haddii aan lays yeelyeelayn. waxaan rabaa oo aan halkan idiinka caddaynayaa haddii markale puntland lagu doorto nidaamka hadda jira ee qabaliga ah oo aad markale kusoo noqotaan xukunka dalka idinkoo ah reerihii aan kor kusoo xusay soona maray talada iyo xukunka Puntland, haddii aan sikale u dhigo, haddii 3dii reer ee talada soomaray nin ka mid ahi markale xukunka dalka Puntland kusoo noqdo xilligan. Puntland maalintaas ayaa bur-bur kow u yahay jiritaankeeda iyo in lagu kala dhaqaaqaba, waana sida aad rabtaan hadda ee aad wax u waddaan, ilaahay kama dhigo oo sharkiinna haka nabadgeliyo hana ka hayo.

Waxaan hubaa oo aan marag iyo markhaati ka ahay in C/raxmaan Faroole yahay halyey Puntland iyo dadkeedaba badbaadiyey. Waxaan hubaa in Dr. C/raxmaan yahay siyaasi, mufakar, hal abuur, geesi hoggaamiye caqlibadan, fahansan xaqiiqda dhabta ah ee jirta midda gudaha iyo tan dibaddaba, markuu fahmey, ogaaday, arkay waxaas aan kor kusoo sheegay iyo waxyaalo kale oo badan oo uu inooga xogogaalsan yahay dhinacyo bandanna kaga imaanaya Puntland iyo dabinnada looqoolayo ayuu go’aansaday in uu Puntland ka raro nidaamka qabaliga ee hadda jira una raro nidaamka axsaabta badan.

Waxaan hubaa in C/raxmaan maanta Puntland bad baadiyey dad iyo dalba oo uu ku hagoogtey sharafteeda, sumcaddeeda, karaamadeeda, dadnimadeeda iyo jiritaankeeda.

Waxaana ugu ducaynayaa ilaahow aan dhaxantaa soodhicin oo cadawgaaga cagta hoostiisa geli. Waa halyey aan nin neceb, nin jecel, nin u dhow iyo nin u reerba aan dhabbo uga leexan, waa geesi aan nixin oo nacab iyo nin liita toonna agtiisa qori ka jebin, noolow madaale, ma’anaaba islahaa Puntland waa laga helayaa nin C/raxmaan oo kale ah C/hi Yuusuf dabadii, cadaw jebiye jir oo jog, horaa loo yiri nacas iyo nin ragi markay madax noqdaan yaa lakala nacaa.

Waxaase layaab leh waxa dawladihii reer galbeedku arkeen ee kuwii soomaalida ahaa arki waayeen, waxa dawladihii reer galbeedku garteen ee kuwii u dhashay dalka ee soomalida ahaa garan waayeen.

Ogoobeey dowladaha caddaanka, reer galbeedka ee dhaqaalaha ku bixinaya in Puntland ku tillaabsato nidaamka axsaabta badan kana guurto kan qabaliga ee hadda lagu dhaqmo waa ogyihiin waana ka warhayaan Soomaaliya iyo wax aka jira, waa ogyihiin in dadku hubaysan yahay, in aan dadku tirokoobnayn, in aan dadku kaarar aqoonsi lahayn, way ogyihiin in dadku yahay reer guuraa iyo qabaa’il, iyaga oo waxaas oo dhan arka oo og ayay haddana ku qanacsan yihiin kuna dhiirri geliyeen in laqabto doorashada loona guuro nidaamka axsaabta badan oo ah mid ka wanaagsa kana caddaalisan, balse waxay iyagu ku qanacsan sidaas in layeelo waana sababta ay dhaqaalaha ugu bixinayaan, kuwa dadka iyo dalka u dhashayna waxa ay garan waayeen ajaanibtii garatay mise dan baanay ka lahayn tolow, mise waxay dadka iyo dalka Puntland ka door bideen dan shakhsiyadeed iyo shilimaad lagu soo siiyey sidii puntland loo bur-burin lahaa waa yaab.

Cadde muuse waxaan oran lahaa isaga, waxaad tahay nin weyn oo cimri ah manta soona maray xilka madaxweynenimo ee puntland weliba ugu danbeeyey kana soojeeda reerkii iyo raaskii boqornimada magaca guud cisi iyo karaamana ku dhexleh magaca guud iyo bulshada dhammaanteed ee waxaad ka fogaataa wax alla waxii wax u dhimaya magacaaga, sharaftaada, karaamadaada shakhsiyadeed, tan reer ahaaneed iyo isim ahaaneedba, run ahaantiina dadku majeclaysan waxa dhegahooda beryahan kusoo dhac-dhacayey ee warbaahintu kaa tebinaysey waana wax aan lagaa filayn ee bal dib u fariiso oo inyar ka feker waxa ku qoran qormadaydan adoo mahadsan.

Isimada reer puntland waxaan leehayay aniga oo sharaf iyo xurmo u haya dawladdu iyada ayaa mas’uus ka ah hagidda siyaasadda waddanku meesha ay u socoto ee u daaya talada dalka, idinku matihiin madaxweyne, wasiirro, xildhibaanno iwm balse waxaad tihiin kuwii soo dhisay waxaas oo dhan aabbahana u ahaa waana laydiin hayaa oo laydiin ogyahay balse hoggaanka talada waddanka dawladda ayaa lagarabaa in loodabo fadhiisto oo ay fuliso ee yaan lagu qabsan, hana ku mil-mina siyaasadda haddii kale waxaad lamid noqonaysaan Xasan Xaad iyo Axmed Diiriye iyo nimanka lamagac baxay odayaasha beelaha Hawiye oo waddankii iyo dawladdii ladhisaaba ka dhaqaaqi weydey oo lig-liga haysta waana ceeb haddii taas oo kale dhacdo ama puntland ka dhacdo, dhaqan iyo sooyaalna dadka reer puntland iyo isimadooduna uma laha dhaqan ahaan iyo dad ahaanba.

Waxaa idinka laydiinka fadhiyaa oo keliya in aad ajiibtaan ama ka jawaabtaan marka dawladdu idiin yeerto, idiin baahato, idin casuunto iyo in aad dadka waxii dhib iyo qas wada lahadashaan oo ka waanisaan una sheegtaan in hawsha lakala leeyahay waxaa larabona dariiq nabad iyo xalaal ah lagu raadsado balse aan lagu raadsan dagaal, fawdo, iyo dhib oo aan cidna dani ugu jirin.

Gaba-gabadii waxaan kusoo gunaanadayaa dhammaan, isimada, siyaasiyiinta, waxgaradka, aqoon yahannada, dhallin yarada, haweenka, dawladda iyo bulshada reer puntland waxa aan u sheegayaa in waxa meesha yaal ay tahay mas’uuliyad wadareed (collective responsibility) ee yaan cidna lagu eegin qof walowba waajibka kaa saaran qaado oo maxay tahay waa inaadan yeelin, u dulqaadan, ku eegin, ugu hiilin waxii wax u dhimaya waxaas aad wada leedihiin oo ah dad iyo dal oo aad ogaataan waxa maanta mindida daabkeeda hayaa ay tahay dawladda ee aan lala qabsan mindida daabkeeda waana khalad haddii taasu dhacdo waxaana imaanaysa maah-maahdii oranaysey doon labo naakhuude lihi waa degtaa, teeda kale qofka maanta fawdo iyo dagaal wax ku raadiya side buu hadhow rabaa in loogu hoggaansamo oo lagula shaqeeyo waxna ku maamulo, madhacayso taasi lagaana yeelimaayo waxii shalay aad diidday adiguba ee ogow, waa dhab haddii aad maanta dawladda hadda jirta aad u diiddo in ay hawsheeda si nabad ah u maamusho oo aad diidid in aad si nabadgelyo ah ulashaqaysid waxna ku raadsatid doorashadana kaga qayb gashid adna hadhow waxii aad diiday lagaa yeelimaayo ee ogow cid sidaas ku faa’iidaysaana majirto dadka iyo dalkuna waa ku baaba’ayaaye ogsoonow.

Qore: J A Yasin. Cambaashe

England, Uk

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20122

Trending Articles